Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Madaxda iyo Wasiirada Cummaan kala shiray Iskaashi Ganacsi oo dhex mara labada dal wuxuuna booqday warshadaha dalkaasi+SAWIRRO

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Madaxda iyo Wasiirada Cummaan  kala shiray Iskaashi Ganacsi oo dhex mara labada dal wuxuuna booqday warshadaha dalkaasi+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay wadanka Cummaan oo shirar gaar-gaar ah iyo booqashooyin ku saabsan iskaashi ganacsi oo dhex-mara labada dal ayaa isaga iyo weftigiisa oo uu wehelinayey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Saldana Cummaan Danjire Cabdiweli Cali Axmed(Jaylaani) waxa ay booqasho ku tageen warshadda soo-saarta Saliidda iyo Warshadda soo-saarta sidoo kale na farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka xawaraaraha sare leh ee wadankaasi.

Wasiirka, ayaa madaxda Warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo warshadahan oo kale ah ay ka furtaan gudaha Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dhanka kale, Inj. Cabdullaahi Cali Xasan waxa uu la kulmay Wasiirka Gaadiidka ee Saldanada Cummaan Md. Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha dekadaha iyo weli ba goobaha Ganacsiga ee xorta ah. Waxa kale oo shirkaddani ay ka shaqeysaa daabulka iyo gaadiidka wadankaasi.

Labada Wasiir, waxay ka wada-hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen Ganacsiga Gaadiidka isla markaana loo heli lahaa duulimaad toos ah oo Oman iyo Soomaaliya ah. Waxa kale oo ay isla soo hadal-qaadeen siddii loogga faa’ideysan lahaa marin biyoodka isku xidha badweynta Hindiya iyo Badda cas oo uu maro Ganacsiga ugu badan ee iskaga goosha qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Wasiiradu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen fursadaha Maal-gashi ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan dekadaha iyo garoomada diyaaradaha Soomaaliya, waxaana ay isla garteen in labada dhinac ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibradaha la xidhiidha Ganacsiga Gaadiidka.

Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa kale oo uu la kulmay Wakiilka Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumaysiga ee dalka Cummaan Dr. Sucuud Bin Xamuud Bin Axmed Al-Xabsi oo ay ka wada-hadleen siddii dalaga Beeraha iyo Kalluunka Soomaaliya looggu iib-geyn lahaa dalka Cummaan iyo inay iska kaashadaan sare-u-qaadidda tayada Kalluunka iyo Dalaga Beeraha.

Previous Post

Taliska Booliiska Soomaaliyeed isbadal Ku sameeyay Taliska qeybta Booliiska Galmudug iyo degmooyinka

Next Post

howlgal lagu soo aruurinaayo Xoolaha oo ka dhacay Muqdisho

Next Post
howlgal lagu soo aruurinaayo Xoolaha oo ka dhacay Muqdisho

howlgal lagu soo aruurinaayo Xoolaha oo ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In