Thursday, September 28, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Madaxda iyo Wasiirada Cummaan kala shiray Iskaashi Ganacsi oo dhex mara labada dal wuxuuna booqday warshadaha dalkaasi+SAWIRRO

admin by admin
February 22, 2020
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Madaxda iyo Wasiirada Cummaan  kala shiray Iskaashi Ganacsi oo dhex mara labada dal wuxuuna booqday warshadaha dalkaasi+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay wadanka Cummaan oo shirar gaar-gaar ah iyo booqashooyin ku saabsan iskaashi ganacsi oo dhex-mara labada dal ayaa isaga iyo weftigiisa oo uu wehelinayey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Saldana Cummaan Danjire Cabdiweli Cali Axmed(Jaylaani) waxa ay booqasho ku tageen warshadda soo-saarta Saliidda iyo Warshadda soo-saarta sidoo kale na farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka xawaraaraha sare leh ee wadankaasi.

Wasiirka, ayaa madaxda Warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo warshadahan oo kale ah ay ka furtaan gudaha Soomaaliya.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

September 27, 2023
Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

September 27, 2023

Dhanka kale, Inj. Cabdullaahi Cali Xasan waxa uu la kulmay Wasiirka Gaadiidka ee Saldanada Cummaan Md. Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha dekadaha iyo weli ba goobaha Ganacsiga ee xorta ah. Waxa kale oo shirkaddani ay ka shaqeysaa daabulka iyo gaadiidka wadankaasi.

Labada Wasiir, waxay ka wada-hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen Ganacsiga Gaadiidka isla markaana loo heli lahaa duulimaad toos ah oo Oman iyo Soomaaliya ah. Waxa kale oo ay isla soo hadal-qaadeen siddii loogga faa’ideysan lahaa marin biyoodka isku xidha badweynta Hindiya iyo Badda cas oo uu maro Ganacsiga ugu badan ee iskaga goosha qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Wasiiradu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen fursadaha Maal-gashi ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan dekadaha iyo garoomada diyaaradaha Soomaaliya, waxaana ay isla garteen in labada dhinac ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibradaha la xidhiidha Ganacsiga Gaadiidka.

Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa kale oo uu la kulmay Wakiilka Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumaysiga ee dalka Cummaan Dr. Sucuud Bin Xamuud Bin Axmed Al-Xabsi oo ay ka wada-hadleen siddii dalaga Beeraha iyo Kalluunka Soomaaliya looggu iib-geyn lahaa dalka Cummaan iyo inay iska kaashadaan sare-u-qaadidda tayada Kalluunka iyo Dalaga Beeraha.

Previous Post

Taliska Booliiska Soomaaliyeed isbadal Ku sameeyay Taliska qeybta Booliiska Galmudug iyo degmooyinka

Next Post

howlgal lagu soo aruurinaayo Xoolaha oo ka dhacay Muqdisho

Next Post
howlgal lagu soo aruurinaayo Xoolaha oo ka dhacay Muqdisho

howlgal lagu soo aruurinaayo Xoolaha oo ka dhacay Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

September 27, 2023
0

1- The President of the Federal Republic of Somalia, Mr. Hassan Sheikh Mohamud met in Djibouti with the Minister of...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

September 27, 2023
0

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana...

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

September 27, 2023
0

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi-baarista Musiibooyinka iyo...

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

September 27, 2023
0

Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka dhacday Taliska ciidanka dhulka XDS....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In