Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga oo sheegay in guul laga gaaray dagaalkii Dhaqaalaha ee Khawaarijta

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga oo sheegay in guul laga gaaray dagaalkii Dhaqaalaha ee Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa sheegay in lagu guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaaday khawaarijta Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in gacanta lagu dhigay Talefoono iyo Akoono tiro badan oo lacagaha looggu diri jiray khawaarijta isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida joogtada ah ee ay mar walba u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro Al-Shabaab.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji, oo qoraal ku baahiyey baraha bulshada ee Internet ka, ayaa wuxu sidoo kale jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeeray ninka sheegta Afhayeenka Khawaarijta Al-Shabaab ee la yiraa Cali Dheere isaga oo carabka ku adkeeyey in dagaalka lagu la jiro khawaarijtu uu yahay go’aan shacab oo aan istaagi doonin illaa looga xoreynaayo dalka.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

“Dhiigyo cabka Al-Shabaab ee la yiraa Cali Dheere markii isaga iyo khawaarijtii kale la jabiyey wuxu maanta miciin biday calaancal iyo catow, waxaan se u sheegayaa in dagaalkani aanu istaagi doonin illaa inta khawaarijta laga xoreynayo dalka, waana go’aan shacab ee maydkaaga inta aanay haadu ka dhergin ama aanad cidlo ku bakhtiyin adiga iyo khawaarijta kale ba isa soo dhiiba”. Ayuu yiri Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi.

Wasiirku, wuxu sidoo kale tilmaamay in hadalkii Cali Dheere uu cadeynaayey in looga guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab kaas oo uu tilmaamay in uu ahaa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed, waxaana uuna yiri:

“Cali Dheere, wuxu maanta innoo cadeeyey inay khawaarijtu ku jabeen dagaalkii dhaqaalaha ee ay ku qaaday dawladdu, waana guul innoo soo hoyatay oo lagu badbaadiyey lacago tiro badan oo ay lee yihiin ganacsato Soomaaliyeed”.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu sheegay in Cali Dheere aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana cidda laga ilaalinayaa ay tahay khawaarijta uu ka tirsan yahay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:

“Cali Dheeroow adiga iyo khawaarijta kale ba wax ba la idin ka waydiin mayo ilaalinta hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinayaana waa idinka oo khawaarij ah oo xalaashaday dhiiga iyo hantida umadda Soomaaliyeed”.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu yiri: “Ma jirto cid maanta ku dhageysanaysa Cali Dheeroow, gabalkaagii na waa uu dhacay, shacabka Soomaaliyeed na go’aan bay kaa gaareen adiga iyo khawaarijta kale ee Al-Shabaab, waxaana ay diyaar u yihiin inay idin ka xoreeyaan dalka”.Wasiir Jibril.

sidoo kale wuxu ganacsatada Soomaaliyeed ku boggaadiyey u hoggaansamidda awaamiirtii dawladda ee joojinta lacagahii baada ahaa ee la siin jiray khawaarijta Al-Shabaab.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waan ku boggaadinayaa u hoggaansamidda awaamiirta dawladda ee joojinta lacagahii baada ahaa ee la siin jiray khawaarijta Al-Shabaab”. Ayuu yiri Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji

Waxa kale oo Wasiirku uu ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyey sida joogtada ah ee ay u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha loogu diro Khawaarijta Al-Shabaab oo uu sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaantood.

“Ganacsatada Soomaaliyeed way ku mahadsan yihiin inay si joogto ah noo la wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha loogu diro khawaarijta sida Taleefanada iyo Akoono oo aanu gacanta ku dhignay dhammaantood”. Ayuu yiri Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji

Ugu dambayn, wuxu digniin adag u diray ganacsatada aan ka diiwaangashanayn Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in haddii la qabto ay mutaysan doonaan ciqaab daran, waxaana uu yiri: “Waxaan digniin u diraynaa ganacsatada aan ka diiwaangashanayn Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee hadana sheegta ganacsato inay muteysan doonaan ciqaab adag”.

 

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay qaar ka mid Madaxda hay’addaha deeqda bixiyaan 

Next Post

Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga dhaxe 

Next Post
Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga dhaxe 

Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga dhaxe 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In