Wednesday, February 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirada Soomaaliya u jooga Dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirada Soomaaliya u jooga Dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, kuwaas oo ay ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalkaasi iyo siddii loo garab istaagi lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee wax-soo-saarka wadanka u dhoofisa wadamadaasi.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Miudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa sidoo kale safiirada kulanka ka soo qeyb-galay oo kala ahaa safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Danjire Inj. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar (Camey), Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan Danjire Xuseen Xaaji Axmed, waxay ugu horeyn ka wada-hadleen dedaalada lagu horumarinayo xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalka caalamka iyo weli ba siddii loo xoojin lahaa xidhiidhada ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay  Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ba.

Related posts

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

February 4, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

February 4, 2026

Safiiradu, waxa ay carabka ku dhufteen inay ka shaqeyn doonaan siddii loo dhammeystiri lahaa heshiisyada ganacsi ee Soomaaliya iyo Suudaan iyo heshiiska Soomaaliya ee ka mid noqoshada Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) kuwaas oo hore loogga ansaxiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay xuseen in ay wadaan dedaalo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsi, iskaashiga dhaqaale, Maal-gashi iyo siddii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose u mgacaabay Cabdiqaadir Siiddii

Next Post

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo dhaweeyay Ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka Dalka

Next Post
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo dhaweeyay Ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka Dalka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo dhaweeyay Ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka Dalka

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

February 4, 2026
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa ka qeyb galay kulan rasmi...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

February 4, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 04 Febraayo 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala...

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka 

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka 

February 4, 2026
0

Waxaa si rasmi ah usoo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, taas oo...

Faadumo Cabdiqani Yuusuf oo loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Faadumo Cabdiqani Yuusuf oo loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

February 4, 2026
0

Faadumo Cabdiqani Yuusuf ayaa loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaddib doorasho rasmi ah oo ay ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In