Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo deeq Taakulo ah guddoon siiyay Madaxa taakuleenta CXDS 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo deeq Taakulo ah guddoon siiyay Madaxa taakuleenta CXDS 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya oo wada olalaha “Hal dollar ku xoreey dalkaaga” ee lagu taageerayey lagu na garab istaagayey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta, ayaa maanta mar kale deeq taakulo ah oo Kaluun/Malaay ah gaarsiisay xarunta Hoggaanka Saadka iyo Taakulaynta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed taas oo looggu talo-galay Ciidamada ka dagaalamaya furamaha hore.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Osman Mohamed Abdi (Daallo, iyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed Saney Dalmar oo deeqdan gaarsiiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Madaxa hoggaanka Saadka iyo Taakulaynta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sharmaarke Cali Afrax.

Related posts

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

January 26, 2026

Wasiir ku-ku-xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Osman Mohamed Abdi (Daallo) Ayaa yiri “Waan sii wadi doonna ka Wasaarad ahaan,waana inaga go’an tahay sii wadida taageeridda iyo garab istaaga Ciidanka Qalabka sida ee dagaalka kula jira khawaarijta isla mar ahaantaana ay hay’adaha Dawladda, ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaan inay ka soo qeyb qaataan taageeridda halganka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi Ayaa yiri ” Way habbooneed inaan bilaawno ololahii lagu garab istaagayey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sababtoo ah waa waajib inna wada saaran taageeridda Halganka socda iyo in dalka laga xoreeyo Khawaarijta,”.

” Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay soo garab istagaan istaagaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta” Ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi,

Madaxa Hoggaanka Saadka iyo Taakulaynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sharmaarke Cali Afrax oo ugu dambayn halkaas ka hadlay, ayaa yiri ” Waan boggaadinayaa dedaalka ay Wasaaradda Ganacsigu ku bixinayso taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, oo uu xusay inay tahay markii labaad ee ay soo gaarsiiyaan deeq raashin ah, Waan ugu mahadceliyaaa Taakulaynta ay u garteen ciidanka jiida hore jiraan, Waana inay ku daydaan Hay’adda Dowladda”.Ayuu yiri Sharmaarke Cali Afrax.







 

 

Previous Post

Somali National Army kills over 20 Al-Shabaab terrorists in Awdhegle district

Next Post

Khasaare weyn oo ka soo gaaray Khawaarijta daggaalkii saakay degmada Awdhegle ee Gobalka Shabeellaha hoose

Next Post
Somali National Army, International Partners conduct operation in Dumaye area

Khasaare weyn oo ka soo gaaray Khawaarijta daggaalkii saakay degmada Awdhegle ee Gobalka Shabeellaha hoose

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

January 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS , Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Beni’aadaannimo...

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In