Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka ganacsiga XFS oo furay shir looga tashanayey Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka+Sawirro.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka ganacsiga XFS oo furay shir looga tashanayey Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka+Sawirro.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya , xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka, ganacsato iyo aqoonyahano ayaa ka qeyb galay shirkan oo u jeedkiisu ahaa ka tashiga iyo ka doodida Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed iyo dhismaha hay’adda tayo dhowrka Soomaaliyeed oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay horey u meelmariyeyn golaha wasiirada ayeey Ka qeybgalayaasha shirka oo ganacsato u badnaa isku raaceen inuu muhiim yahay maadaama lagu koontaroolayo tayada badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa laga dhoofiyo intaba, Waxeyna golaha Shacabka oo hada marsiiyay aqriska koowaad ka codsadeen inay meel mariyaan.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdullahi Cali Xasan oo shirka furay ayaa sheegay inuu Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed  muhiimad weyn u leeyahay nolosha iyo caafimaadka dadka Soomaaliyeed maadaama lagu ogaanayo tayada waxa dalka soo gala iyo kuwa ka baxa intaba.

Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdiraxman Cabdullahi Aadan ayaa tilmaamay in ganacsatadu ay baahi weyn u qabaan sharcigaan, loona baahanyahay in la dadajiyo si loo helo ganacsi tayo leh oo dhan walba ka dhameystiran.

Guddoomiyaha iyo qaar ka mid ah xubnaha guddiga ganacsiga ee Xildhibaannada golaha Shacabka oo madasha ka hadlay ayaa xusay in loo baahanyahay in si wadajira looga wadashaqeeyo sharcigaan oo faa’iido weyn u leh bulshada Soomaaliyeed, waxeyna dhankooda ballan qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo ansixi lahaa.

Golaha Wasiirrada ee XFS ayaa 18- kii April ee 2019 ansixiyey  Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed wuxuuna hadda horyaalaa Xildhibaannada Golaha Shacbka oo marsiiyay akhrinta koowaad, lana filayo in eey goordhow ansixiyaan maadaama uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ardayda kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda  oo Booqasha aqoon korosi ah ku tegay Madaxtooyada Qaranka+Sawirro

Next Post

Dowladda Hoose ee Xamar oo olole nadaafadeed ka sameysay Isgoyska Ceel-gaabta+Sawirro.

Next Post
Dowladda Hoose ee Xamar oo olole nadaafadeed ka sameysay Isgoyska Ceel-gaabta+Sawirro.

Dowladda Hoose ee Xamar oo olole nadaafadeed ka sameysay Isgoyska Ceel-gaabta+Sawirro.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In