Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka ganacsiga XFS oo furay shir looga tashanayey Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka+Sawirro.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka ganacsiga XFS oo furay shir looga tashanayey Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka+Sawirro.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya , xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka, ganacsato iyo aqoonyahano ayaa ka qeyb galay shirkan oo u jeedkiisu ahaa ka tashiga iyo ka doodida Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed iyo dhismaha hay’adda tayo dhowrka Soomaaliyeed oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay horey u meelmariyeyn golaha wasiirada ayeey Ka qeybgalayaasha shirka oo ganacsato u badnaa isku raaceen inuu muhiim yahay maadaama lagu koontaroolayo tayada badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa laga dhoofiyo intaba, Waxeyna golaha Shacabka oo hada marsiiyay aqriska koowaad ka codsadeen inay meel mariyaan.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdullahi Cali Xasan oo shirka furay ayaa sheegay inuu Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed  muhiimad weyn u leeyahay nolosha iyo caafimaadka dadka Soomaaliyeed maadaama lagu ogaanayo tayada waxa dalka soo gala iyo kuwa ka baxa intaba.

Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdiraxman Cabdullahi Aadan ayaa tilmaamay in ganacsatadu ay baahi weyn u qabaan sharcigaan, loona baahanyahay in la dadajiyo si loo helo ganacsi tayo leh oo dhan walba ka dhameystiran.

Guddoomiyaha iyo qaar ka mid ah xubnaha guddiga ganacsiga ee Xildhibaannada golaha Shacabka oo madasha ka hadlay ayaa xusay in loo baahanyahay in si wadajira looga wadashaqeeyo sharcigaan oo faa’iido weyn u leh bulshada Soomaaliyeed, waxeyna dhankooda ballan qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo ansixi lahaa.

Golaha Wasiirrada ee XFS ayaa 18- kii April ee 2019 ansixiyey  Sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed wuxuuna hadda horyaalaa Xildhibaannada Golaha Shacbka oo marsiiyay akhrinta koowaad, lana filayo in eey goordhow ansixiyaan maadaama uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Ardayda kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda  oo Booqasha aqoon korosi ah ku tegay Madaxtooyada Qaranka+Sawirro

Next Post

Dowladda Hoose ee Xamar oo olole nadaafadeed ka sameysay Isgoyska Ceel-gaabta+Sawirro.

Next Post
Dowladda Hoose ee Xamar oo olole nadaafadeed ka sameysay Isgoyska Ceel-gaabta+Sawirro.

Dowladda Hoose ee Xamar oo olole nadaafadeed ka sameysay Isgoyska Ceel-gaabta+Sawirro.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In