Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hon. Jibril Abdirashid Haji oo maalmahan ba shirar gaar gaar ah la yeelanayey Ganacsatada dalka, oo maanta kulan uu la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Beeralayda ah, ow kala hadlaayey xaaladda dagaal ee uu galay dalka .
” Waxaan idin amrayaa inaad joojisaan nooc kasta oo macaamil ah oo aad la yeelanaysaan kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, Waayo ka dawlad ahaan,Waxaa inaga goโan Inaan dalka ka cidhib tirino Nimankaa Argagixisada ah”
Wasiirku, wuxu ku dheeraaday khatarta kooxdaas iyo dhibaatada ay ku hayso shacabka iyo dawladnimada isla-mar-ahaantaana ay maanta tahay xiligii la iska xorayn lahaa dhibaatadooda. Isaga oo tilmaamay in ka Wasaarad ahaan ay soo saari doonaan goโaano culus oo lagu xakamaynayo lacagaha ay ganacsatadu siiso Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ciddii fulin wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.