Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Haweenka oo booqatay Jaamacadda SIU, Kulana La Qaadatay Gabdhaha Wax Ka barta Jaamacadaasi “DAAWO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Haweenka oo booqatay Jaamacadda SIU, Kulana La Qaadatay Gabdhaha Wax Ka barta Jaamacadaasi “DAAWO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa kormeer howleed ay ku tegtay Jaamacada SIU waxa ay u jeedkeedu ahaa sidii ardayda gabdhaha ee dhigata Jaamacadda kulayadaheeda kale duwan ugu dhiiri gelin lahayd doorka horumarineed ee ay ka qaadan karaan dalka, iyadoo kulan la qaadatay Hormuudka Jaamacada SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim, waxaana intaasi kaddib ay hoolka Jaamacadda kula hadashay ardayda Jaamacadda.

Kulanka ay maanta Wasiirka Haweenka la qaadatay gabdhaha ardayda Jaamacadda SIU waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda, waxaana ay Marwo Sahro ka hadashay doorka gabdhaha waxbartay uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Mid ka mid ah ardayda Jaamacadda SIU oo ku hadlaysay magaca gabdhaha ee Jaamacadda ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsanyihiin sida ay maanta Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka u soo booqatay Jaamacadda SIU, qeybteeda ku taala KM4, waxaana ay tiri.

“Anigoo ku hadlaya magaca ardayda meeshan fadhisa, tani waa wax aan horey loo arki jirin, waan bogaadineynaa, waana ku mahadsantahay markale, waxaad tahay tii aan dowladda ka fiirsaneynay, waxaan kaloo kaaga mahadcelineynaa balanqaadyadii aad noo sameysay”.

Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim oo goobta hadal ka jeediyay ayaa Marwo Sahro uga mahadceliyay balanqaadka ay u sameysay ardayda Jaamacadda ee ku aadan in ardayda waxbartay lagu dhiiri gelin doono deeqo waxbarasho oo ay kaga faa’iideysan karaan inay sii horumariyaan waxbarashadooda.

“Markale iyo markale arrinta aad ka dhawaajisay ee ah in ardayda laga caawiyo ee aan dhaqaalaha aaan iska dhiibi karin, la caawiyo aad ayaan u soo dhaweyneynaa, waxaan rabnaa in aan Wasiirka la wadaagno, 814 arday oo aan lacag bixin ayaa Jaamacadda dhigta, nambar nagu badan waaye, boqol jeer ayaan oga mahadcelineynaa garashadeeda qaaliga ah, dareenkeeda dadnimo iyo iyadoo ku hadlaysa magaca dowlada in la caawiyo ardayda, anaga mas’uuliyad ayaa naga saaran in agoonta iyo dadka masaakiinta ee aan waxba haysanin in aan caawino”.ayuu yiri Prof Yaxye Cali Ibraahim.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka oo kulanka hadal kooban ka jeedisay ayaa tilmaantay in ay aad ugu faraxsantahay in gabdho Soomaaliyeed oo waxbartay ay kulan la qaadato, waxaana ay ku boorisay inay gacan qabtaan gabdhaha kale ee aan fursadda u helin waxbarashada.

“Anigoo idiin ka codsanaya, in  aad ka qeyb qaadataan gabadhaha kale ee aan waxbaran aan shaqo u abuurno, waxaan la’nahay dad expert ah, marka gabdhaha walaalihiina aad waxbartaan oo waqtiga ka lumay ee qaxooti ahaan u maqnaa aad caawisaan, maqsuud ayaan idinka ahay mar labaad, sii wada dhidibadan u adkeeya waxbarashadiina”.ayay tiri Marwo Sahro.

Ugu dambeyntii Wasiirka Haweenka ayaa shaacisay in ardayda waxbaraneysa lagu dhiiri gelinayo deeqo waxbarasho oo fursad siineysa inay sare u qaadaan aqoontooda waxbarasho, ayna ka Wasaarad ahaan gacan ka geysaneyso sidii ardayda kuwooda dadaalka badan u heli lahaayeen deeqo waxbarasho.

“Waxaan rabaa in aan dowlad ahaan balan qaad sameyno, qofkii waxbarashadiisa ka soo baxa, xaq waxa uu u leeyahay dadaalka siyaadada ah ee uu sameeyay inuu helo Scholar ship, wixii taasi dhiiri gelineysa in dad badan dadaal sameeyaan, hadii aad soo baxdo dabcan waa inaad heshaa scholar ship” ayay tiri Wasiirka haweenka.

IMG_1471  IMG_1474 IMG_1476 IMG_1479 IMG_1483 IMG_1485 IMG_1486 IMG_1489 IMG_1492 IMG_1496 IMG_1499 IMG_1501 IMG_1504 IMG_1509 IMG_1510 IMG_1511 IMG_1514 IMG_1515 IMG_1517 IMG_1522  IMG_1536 IMG_1542 IMG_1545 IMG_1547 IMG_1549 IMG_1553

IMG_1487IMG_1531IMG_1551IMG_1555IMG_1558

ol

Sawir Qaade:-Maxamed Macalin Xasan “White-ka”

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In