Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo Sweden booqaneysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo Sweden booqaneysa

Zahra Mohamed Ali Samantar, Minister of State at the Office of the Prime Minister of Somalia addresses during the 16ht Session Human Rights Council. UN Photo / Jean-Marc Ferré

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya marwo Sahra Maxamed Cali Samatar iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa booqasho rasmi ah uga bilaabatay maanta wadanka Sweden ka dib markii ay casuumaad ka heshay dowlada Sweden.

Wafdiga ay hogaamineyso Wasiirka haweenka iyo arimaha xuquuql insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali  ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey jaaliyada Soomaaliyeed magaalada Stockholm, waxaana booqashadeeda oo qaadan doonto mudo sedex cesho ah ay la kulmi doontaa  Wasiiro iyo qaar ka mid ah madaxda qaabilsan xafiisyada arimaha haweenka iyo xuquuql insaanka si loo xoojiyo xiriirka labada dal maadaama dowlada Sweden ay si weyn ay kaalmo ugu bixiso sidii  loo horumarin lahaa haweenka iyo dhalaanka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixisay booqashadeeda.

“Waxaan maanta joogaa Sweden Stockholm oo aan u imid jaaliyadda Soomaaliyeed waana ku faraxsanahay sida diiran ee la ii soo dhaweeyey. Safarkeyga muhiimadiisa koowaad waxa ay tahay in jaaliyada Soomaaliyeed ay sweden aysan marti ka noqon dalkooda oo ay ku soo laabtaan arkaana marxalada, waxaan mareynaa marxalad uu wadanku diyaar u yahay horumar dhaqaale, caafdimaad, waxbarasho iyo nabadgalyo. waxaa kale oo safarkeyga ku jira casuumaad aan ka helay dowlada Sweden, iyada oo mar walba sidii  buruburka u dhacay caawinaad diyaar noola ahaa, hadana in si gaar ah wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka  in ay furaan caawinaad ka sii fog sidii hore oo deg deg ah”.

Dhinaca kale Gudoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed ee Sweden ee  Xaawo Taako Marwo Sahra Barqadle oo  si gaar ah u xiriirineysa  booqashada Wasiirka Haweenka iyo Arimaha xuquuql insaanka ayaa tiri.

”Run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay in  ay nala joogto wasiiradeena , waxa ay u timid shaqo wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa casuuntay iyo ururka Xaawo Taako jaaliyadaha dhamaantoodna wey soo dhaweeyeen”.

 

Previous Post

Kulan loo hadlay hormarinta waxbarashada Baraawe oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In