Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Haweenka XFS oo Baydhabo si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Haweenka XFS oo Baydhabo si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay qeybaha bulshada, wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo maanta u baxsaday safarkeedii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo magacaabay.

U jeedka socdaalka wefdiga wasiirka ay hogaaminayso ayaa ah u ololeynta xuquuqda haweenka ee siyaasadda dalka iyo xaqiijinta kuraasta dumarka ee golliyaasha dowladda gaar ahaan labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, oo hor kacaysa soo dhoweynta wefdiga wasiirka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay soo dhoweynta wasiirka haweenka Soomaaliya.

Soo dhoweynta ka dib, wasiir Xaniifa, oo warfidiyeenka kula hadashay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha ee Shaata gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa u mahad celisay dadkii soo dhoweeyay, waxayna sheegtay in ay ku faraxsan tahay maanta in ay Baydhabo noqoto meeshii ugu horeysay oo ay timaado tan iyo markii xilka loo magacaabay.

“Ololeynta kuraasta haweenka, maadama wadanka uu galay xilli doorasho, halbeega xukuumadda aan ka tirsanahay ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay xaqiijinta kuraasta haweenka, Insha’alah dhowr maalin ayaa joogi doona, waxaana la kulmayaa qeybaha bulshada” ayay tiri wasiir Xaniifa.

Soo dhoweynta wefdiga wasiirka waxaa ka qeybgalay, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Shirka dib u eegista farsamo ee dastuurka oo maalintii labaad galay”SAWIRRO”

Next Post

Safaarada Sacuudiga ee Magaalada Hague ee Dalka Holland oo la Rasaaseeyay

Next Post
Safaarada Sacuudiga ee Magaalada Hague ee Dalka Holland oo la Rasaaseeyay

Safaarada Sacuudiga ee Magaalada Hague ee Dalka Holland oo la Rasaaseeyay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In