Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Haweenke Ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gaartay Gaalkacyo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Haweenke Ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gaartay Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda haweenka maamulka Koonfur galbeed  Soomaaliya Faadumo Cumar Abuu oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Binti Ibraahim Cali iyo la taliyaha wasaaradaasi Maryan Maxamed Nuur ayaa maanta  gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdigani ayaa markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxaa garoonka diyaaradaha gaalkacyo ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Galmudug iyo  qaar ka mid ah bulshada ku nool magaaladaasi.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Soo dhaweyn kadib ayaa waxaa si wadajir ah saxaafada ula hadlay wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Sahro Maxamed Cali iyo  xubnihii ka socday wasaaradda haweenka maamulka koonfur galbeed soomaaliya

Sahro Maxamed Cali wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug oo ugu horeyn la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan yihiin imaanshiyaha wafdigan islamarkaana ay uga mahad celinayaan aqbalaada casuumada ay ka aqbaleen waxaana ay tilmaantay in ujeedka imaanshiyahoodu uu salka ku hayo laba arimood oo ah kormeer ku aadan xaalada ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ee ku sugan deegaannada Galmudug kuwaasi oo intooda badan ah dad  ka soo barakacay Gobolada koonfureed ee Dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ilaalinta xuquuqul insaanka

Wasiirka wasaaradda haweenka maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Faadumo Cumar Abuu ayaa iyana waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay soo gaaraan magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay uga Mahad celinayaan wasiirada haweenka Galmudug casuumada ay u fidisay Mahad celin ka dib waxay ay faah faahin ka bixisay u jeedka socdaalkooda kaasi oo ay ku sheegtay hadafka ugu weyn inuu yahay in ay kala qeyb galaan munaasabad lagu dhagax dhigayo xarun cusub oo loo dhisayo wasaaarada haweenka Galmudug

Wafdiga wasaaradda haweenka maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa  inta ay ku sugan yihiin gaalkacyo  booqan doonaan xeryaha barakacayaasha ee magaalada Gaalkacyo.

B C D E vlcsnap-2015-05-23-18h05m48s236 vlcsnap-2015-05-23-18h05m58s101  vlcsnap-2015-05-23-18h06m58s188 vlcsnap-2015-05-23-18h07m44s150 vlcsnap-2015-05-23-18h08m05s113 vlcsnap-2015-05-23-18h08m18s219 vlcsnap-2015-05-23-18h08m59s140 vlcsnap-2015-05-23-18h08m59s140_1 vlcsnap-2015-05-23-18h10m35s81 vlcsnap-2015-05-23-18h11m31s59  vlcsnap-2015-05-23-18h12m03s182 vlcsnap-2015-05-23-18h12m19s91 vlcsnap-2015-05-23-18h12m34s246

Sawir Qaade:- C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo

Previous Post

Dood Cilmiyeed ku saabsan shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud oo Cadaado lagu qabtay “Sawirro”

Next Post

NUSOJ Oo Cambaareysay Caburinta Lagu Hayo Wariyeyaasha Ka Howlgala Deegaannada Ay Maamulaan Puntland Iyo Ahlu sunna

Next Post
Wakiil Wareedka Idaacada Kulmiye oo Gaalkacyo lagu dhaawacay iyo NUSOJ oo ku Baaqday Baaritaan deg deg ah

NUSOJ Oo Cambaareysay Caburinta Lagu Hayo Wariyeyaasha Ka Howlgala Deegaannada Ay Maamulaan Puntland Iyo Ahlu sunna

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In