Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka howlaha guud oo ballan qaaday dib u dhis lagu sameynayo xarumihii Naafada “Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka howlaha guud oo ballan qaaday dib u dhis lagu sameynayo xarumihii Naafada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Eng, Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah haweenka naafada ah ee ku dhaqan caasimadda, kuwaasi oo dhawaan ku bahoobay urur la yiraahdo SOWDA.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday xafiiskiisa Ra’iisul wasaaraha iyo xubno kale, kaasi oo diiradda lagu saaray sida wax loogu qaban karo haweenka naafada ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Naafada ee SOWDA Basiiro Cabdi Maxamed ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay qaabilaadda uu u sameeyay Wasiirka howlaha guud, waxaana ay ka codsatay in loo dhiso xarumihii ay lahaayeen, dadka deganna laga saaro.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Eng, Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa sheegay in dadka naafada ay yihiin kuwa ugu mudan in wax loo qabto, Wasaaraduna ay diyaar u tahay in ay dhisto xarumihii dadka naafada ah wax loogu qaban jiray.

Haweenka naafada ayaa muddooyinkii dambe ku dadaalayay sidii ay dowladda uga heli lahaayeen xarumihii lagu daryeeli jiray, maadaama ay dhibaatooyin ka soo gaartay dagaalladii dalka ka dhacay.

IMG_5520 IMG_5523 IMG_5524 IMG_5527 IMG_5529 IMG_5531 IMG_5533 IMG_5534 IMG_5538 IMG_5542 IMG_5546 IMG_5550 IMG_5552 IMG_5555 IMG_5556 IMG_5557 IMG_5558 IMG_5564 IMG_5569

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Feereysane”

Previous Post

Guddoomiye Jawaari “Beri waxaa furmaya wada xaajood ku saabsan mooshinka”

Next Post

Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Next Post
Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Isbitaalka Madiina oo laga hirgeliyay nalalka cad ceedda ku shaqeeya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In