Friday, July 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud oo Wasiirka Dhallinyarada ku wareejiyay nashqadda dhismaha xarunta Wasaaradda cayaaraha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud oo Wasiirka Dhallinyarada ku wareejiyay nashqadda dhismaha xarunta Wasaaradda cayaaraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Siciid Xamza.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa ku wareejiyey Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha nashqadda dhismaha Xarunta Wasaaradda Ciyaaraha oo ay sameeyeen Injineerada Wasaaradda Hawlaha Guud.

Related posts

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026

Kulanka waxaa goobjooga ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Dhismaha, Injineerada sameeyey naqshadda, Agaasimayaal iyo la taliyeyaal ka tirsan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Hawlaha Guud Mudane Maxamed Aadan Macalin Soomaali ayaa sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay shaqadeedu tahay dhismaha xarumaha dowladda iyo dib u dhiskooda, tan maanta ee diyaarinta nashqadda dhismahuna ay qayb ka tahay shaqada Wasaaradda.

Waxaa kale oo uu Wasiir Soomaali xusay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay diyaar u tahay dhammaan xarumaha Dowladda in ay ka caawiso dhismaha iyo dib u dhiska xarumahooda.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Siciid Xamza ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Hawlaha Guud wada shaqaynta iyo sida deg dega ah ee ay Injineerada Wasaaradda Hawlaha Guud ugu sameeyeen naqshadda dhismaha.

Previous Post

Maamulka Gobalka Banaadir oo Casuumaad loogu sameeyay Magalaada Konya “SAWIRRO”

Next Post

Marwada Koowaad ee Dalka oo xarigga ka jartay xarunta Caafimaadka ee Hooyada iyo Dhallaanka ee Degmada Hobyo “SAWIRRO”

Next Post
Marwada Koowaad ee Dalka oo xarigga ka jartay xarunta Caafimaadka ee Hooyada iyo Dhallaanka ee Degmada Hobyo “SAWIRRO”

Marwada Koowaad ee Dalka oo xarigga ka jartay xarunta Caafimaadka ee Hooyada iyo Dhallaanka ee Degmada Hobyo “SAWIRRO”

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
0

Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In