Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud “Waxaan dib u howlgelin doonaa hay’addii Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud “Waxaan dib u howlgelin doonaa hay’addii Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 25 April 2015: Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Inj. Saalax Sheekh Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo oo 4 cisho ku joogay dalka Turkiga ayaa Maanta dalka dib ugu laabtay.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Inj. Saalax Sheekh Cismaan Shir jiraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu uga warbixiyay shirkii caalamiga ahaa ee Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka ee Caalamka oo ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga intii u dhexeysay 20kii ilaa 24kii bishan Abril.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Inj. Saalax ayaa waxa uu sheegay in uu saxiixay baaq caalami ah oo markii ugu horeysay Soomaaliya ay qeyb uga noqoneyso nidaamka caalamiga ah ee sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta dhulka.

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in Soomaaliya ay gudbisay xaaladda dhulka Soomaaliya sida uu hadda yahay burburkii kadib isaga oo xusay in uu dalku lahaan jiray shuruuc iyo xeerar ku saabsan cabbirka iyo milkiyadda iyo diiwaan gelinta dhulka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in burburkii soo maray dalka uu sababay in xaruumihii lagu keydin jiray warqadaha dhulalka ay bur-bureen, taasina ay sababtay isqabqabsi ballaaran oo dhulka ku aadan.

Wasiirka ayaa cadeeyay in Xukuumadda uu wakiilka uga yahay dhulalka iyo howlaha guud ay dhawaan dib u soo celin doonto hay’adihii sahminta, cabirka iyo diiwaangelinta iyada oo la raacayo xeerarkii ay Soomaaliya lahaan jirtay ee Umuurahaasi ku saabsanaa  islamarkaana la waafajinayo xaaladda haatan ka jirta Soomalaiya.

In ka badan 60 dowladood ayaa shirka ka qeybgalay. Waxaa kale oo shirka yimid ergo iyo khubaro 1500 kor u dhaafaya iyo 13 wasiir oo ay Soomaaliya iyo Jabuuti ka mid yihiin.

Dhanka kale, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Bay’ada Turkiya iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya ayaa si gooni ah isugu afgartay in ay iska kaalmeystaan sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa nidaamka sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta dhulka iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda ugu dambeysa ee caalamka, waxaana arrintaa iska kaashan doona khubaro Soomaali iyo Turki ah.

Inj.-Saalax-Sheekh-1 Inj.-Saalax-Sheekh-2 Inj.-Saalax-Sheekh-3

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In