Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ay wehelinayaan Wasiir ku-xigeenka Maxamed Cali Maxamuud (Taam), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Siciid Maxamed Maxamuud Xayd iyo Agaasimahaa Guud Mahdi Sheekh Cabdullahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda TIS+.
Kulanka oo ahaa mid isbarasho, Xog waraysi iyo dardargalinta hawlaha shaqo ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda TIS+ ayaa madaxda Hay’adda looga dhegaystay warbixinno la xiriirta mashaariicda dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha ay gacanta ku hayaan.
Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa bogaadiyey shaqada ay hayaan, waxaana uu sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay ka go’antahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.