Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xeray Shirka Hay’adda jidadka Soomaaliyeed “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xeray Shirka Hay’adda jidadka Soomaaliyeed “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaraddaha Howlaha Guud ee Dowlad goboleedyada oo muddo Seddex maalmood ah shir uga socday Magaaladda Muqdisho, kaasi oo ku saabsanaa siddii loo dhameystiri lahaa hay’adda jidadka Soomaaliyeed oo muhiim u ah kaabeyaasha
dhaqaalaha dalka, sida dib u dhiska iyo guriyeynta ayaa waxaa maanta soo xeray Wasiirka Howlaha Guud XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosoow.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda Wasaaradda Howlaha Guud XFS Eng.Maxamed Cabduqaadir Xuseen, ayaa sharaxaad ka bixiyay shirkaan iyo heshiiska ay wada saxiixdeen Wasaaradda iyo Maamul goboleedyada .

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Muddada Seddexda cisho ah oo aan halkaan fadhinay waxaan isku afgaranay tirada guud ee xubnaha inay noqdaan Todobo oo kala ah Hal  haween iyo Lix rag ah, waxaan kaloo isku afgaranay shirka guddiga iyo goobaha ay ka dhici doonaan iyo xubnahii ka mid noqon lahaa guddiga oo ah hay’ad walbo xubinta ay ku leydahay gudigga” ayuu yiri Agaasime Maxamed Cabduqaadir Yariisoow”

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosoow oo soo xeray shirka ayaa ku booriyay in la adkeeyo xiriirka wada-shaqeynta, si looga mira dhaliyo howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin siddii dalka iyo dadkaba wax loogu soo kordhin lahaa.

“Runtii si wanaagsan ayuu innoogu dhammaaday shirka Alle mahadiis, sidoo kale inay howshaan ay qabsoonto fikir iyo dadaal badan ayaa la geliyay, waana idinka mahad celinayaa howhsii aad qabateen Maamul goboleeyada iyo howl wadeenada Wasaaradda” ayuu yiri Wasiir hoosoow.

Hay’adda Qaran ee jidadka Soomaaliyeed ayaa marka la dhameystiro waxaa ay qaban doontaa howlaha dib u dhiska dalka, sida hubinta iyo tayada dhismooyinka dalka, taasi oo muddo ka badan 30 sano ka maqneyd adeegyadda bulshadda.

 

                   

Previous Post

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 mliyan Euro

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 mliyan Euro

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 mliyan Euro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In