Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo caawa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo caawa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Isboortiga ee Maamul goboleedyada, Wakilo ka socday maamulka Gobolka Banaadir, xubno matalayay xiriirada isboortiga dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa caawa kulan soo dhaweyn ah u sameyeey Orodyahanka Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdi Bile Cabdi oo Muqdisho dhowr iyo soddon sano kaddb soo gaaray.

Munsaabadan casha sharaft ah oo ujeedkeedu ahaa dhiiri gelinta iyo soo dhaweynta orodyahan Cabdi Bile ayaa waxaa ka hadlay dad taariikh ku leh isboortiga dalka, kuwaasi oo ka sheekeeyay halgankii iyo magacii uu soo hooyay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta ay Wasaaradda u sameysay, ayna dhankooda soo dhaweynayaan, si dhallinyarada ay uga faa’iideystaan qibradiisa iyo xirfadiisa isboorti.

Orodyahan Cabdi Bile Cabdi oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta loo sameeyay, ugana Mahadcelinayo Madaxda Wasaaradda iyo mas’uuliyiinta kale ee kulanka soo qaban qaabiyay.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xustay in Orodyahan Cabdi Bile  laga faa’iideysan doono qibradiisa iyo waayo aragnimada uu leeyahay, waxaana ay intaa ku dartay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso horumarinta isboortiga dalka.

Orodyahan Cabdi Bile Cabdi ayaa sanadku markuu ahaa 1987dii waxa uu ka qayb galay koobka oradka Adduunka  ee masaafadiisu ahayd ( 1500m )oo markaa lagu qabanayay magalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga kaasi oo uu ku guulastay koobkaa isagoo lulaya calanka buluuga ah.

Sugaal Macalin Maxamuud

Previous Post

Abaanduulaha Ciidanka XDS oo xaqiijiyay in dagaalkii Buula-mareer qasaaro xoogan loogu geystay Al-Shabaab

Next Post

Ilwaad Elman oo loo magacaabay la taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay

Next Post
Ilwaad Elman oo loo magacaabay la taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay

Ilwaad Elman oo loo magacaabay la taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In