Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsiinta oo amar dul dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsiinta oo amar dul dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, ayaa guddoomiyay Shir muhiim u ah shaqada Wasaaradda oo looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka, ayaa lagu amray in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taasoo caqabad ku ah hannaanka shaqo ee Suuqa Isgaarsiinta.

Related posts

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026

Shirka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir-kuxigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane. Cabdicasiis Duwane Isaq, Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Madane.Mustafa Yaasiin Sheekh iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta.

Shirkadaha waxaa la farayaa in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi ah Shirkadii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo ama ay u badan tahay inay sababaan Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda.

“Shirkadaha Isgaarsiintu waa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo”.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Wasaaradda u qaabilsan Arimaha Isgaarsiinta waa hay’adda masuulka ka ah fududeynta iyo horumarinta isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, waxaana lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017 kaasoo awood u siinaya in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaan iyo ilaalinta danaha macaamiisha.

Tags: Wasiirka Isgaarsiinta oo amar dul dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka
Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada XFS oo soo xiray tira-koobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda

Next Post

Baydhabo oo laga daah furay Dhismaha Golayaasha degmooyinka Ceel-berde,Buur-hakaba, 

Next Post
Baydhabo oo laga daah furay Dhismaha Golayaasha degmooyinka Ceel-berde,Buur-hakaba, 

Baydhabo oo laga daah furay Dhismaha Golayaasha degmooyinka Ceel-berde,Buur-hakaba, 

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In