Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsiinta Oo Kulan La Qaatay Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA)

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsiinta Oo Kulan La Qaatay  Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan Isbarasho iyo xog-wareysi kula yeeshay Maamulka iyo Agaasime waaxeedyada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Mudane Jaamac Xasan Khaliif Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada markii uu la wareegay Shaqada Wasaaradda, Waxa uu dardargalin ku bilaabay Shaqooyinka socda, iyada oo laga duulaya Tayenta iyo habsami u socodka Howlaha Wasaaradda, ayaa maanta waxa uu warbixin ka dhageystay Maamulka iyo Agaasime waaxeedyada Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Mashaariicda iyo Shaqada ka socota Hey’adda.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Agaasime waaxeedyada Hey’adda Isgaarsiinta, ayaa Shirka ka soo jeediyey Shaqada la qabtay iyo tan hadda socota, Waxaana mid walbo uu dul istaagay Guulaha shaqo ee la-gaaray.

Wasiir Jaamac Xasan Khaliif, ayaa ugu horreyn u Mahadceliyey Maamulka iyo Shaqaalaha Hey’adda dadaalka shaqo ay wadaan, waxa uuna ku dhiirigaliyey in ay sii labo jibaaraan Shaqada ay u hayaan Qaranka “Waxaan aaminsanahay aqoontiina iyo kalsoonidda aad leedihiin in waxbadan aad ku soo kordhiseen Shaqada, waxaa ballan qaadayaa in aan si dhow uwada shaqeeno, Khibrada iyo kartida idinka muuqato Wasaaradda ayaa u baahan”. Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Shirkaan waxaa sidoo kale Wasiirka ku wehliyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudan Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusoow oo dhankooda bogaadiyey Shaqada Hey’adda.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo hoostimaado Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxa ay Mas’uul ka tahay fududeynta horumarinta, maamulka iyo nidaaminta isgaarsiinta Dalka waxa ayna macno weyn u leedahay kaalinta Isgaarsiinta Qaranka.




Previous Post

Ciidamada Danab oo fashiliyay qaraxyo ay aaseen argagixisada Al-Shabaab+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In