Friday, December 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsiinta oo la kulmay Sii-hayaha Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsiinta oo la kulmay Sii-hayaha Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin Cali ayaa kulan la qaatay ku simaha  Safiirka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Chen Wendi.

Kulankan ayaa ku saabsanaa xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo Iskaashiga dhinaca horumarinta Teknolojiyada iyo Isgaarsiinta.

Related posts

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

December 4, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

December 4, 2025

Sii hayaha Safiirka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Chen Wendi ayaa soo dhoweeyay Wasiirka, waxa uuna ka mahadceliyey booqashada uu ku soo gaaray Safaaradda, isagoo ammaanay dedaalka uu gelinaayo horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya oo ah halka ugu dhow ee adduunyadu ay kula tartami karaan.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa ugu Mahadceliyey Dowladda Shiinaha garab istaagga iyo taageerada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta waxaa booqasho ku tegay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda, maadaama dowladda Shiinaha ay ka midtahay wadamada ugu horeeya ee horumarka ka gaaray tegnoloojiyadda”. Ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda Soomaaliya ayaa wada qorshe ballaaran oo dib loogu habeynayo hannaanka ay u shaqeyso Wasaaradda iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wasaaradda ay la leedahay dhammaan Wadamada iyo hey’adaha Caalamiga ah.

Previous Post

Ururka Iskaashiga Islaamka oo taageeray Soomaaliya

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah “SAWIRRO”

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah “SAWIRRO”

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah "SAWIRRO"

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

December 4, 2025
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan wadatashi ah...

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

December 4, 2025
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa maanta booqasho iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed

December 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada

December 4, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In