Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Sheekh Axmed oo safar shaqa ku jooga waddanka Bangaladesh ayaa ka qeyb galaya Shirweynnihii 25-aad ee Wasiirada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada, WCIT2021 oo sanadkaan lagu qabtay magaalada Dhaka. Halku-dhigga shirka ee sannadkaan ayaa ah “ICT-gu waa barbareeyaha ugu weyn”.
Shirkaan oo soo bilawday muddo 25 sanno ka hor ah, waxaa aalaaba isugu yimaada, siyaasad dejiyeyaasha dowladdaha, shirkadaha Isgaarsiinta, khubarada aaladda dhijitaalka, hal-abuurayaasha iyo dhammaan daneeyaasha Isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda.
Kulanka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku qotonta waxyaabihii lagu heshiiyay.