Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS Oo Kormeeray Xarunta Xogta Qaranka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
November 13, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsiinta XFS Oo Kormeeray Xarunta Xogta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada  Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta kormeeray Dhulka loogu talagalay in laga dhiso Xarunta xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalo Xalane gaar ahaan halka ay Badda ka soo galo Internet-ka dalka.

Waxaa wasiirka kormeerka ku weheliyay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, Wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheekh.

Related posts

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS  Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in Dhulkaan la siiyey Wasaaradda Isgaarsiinta, waxaana  la qorsheenayaa in laga dhiso Keydka  Xarunta Xogta Qaranka (National Data Center)

“Maanta waxaa Booqday Dhulka Wasaaradda ku leedahay aaga Xalane, Qorshaha Wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso Xaruntaan oo muhiim u ah in lagu keydiyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dhammaan Xogta Soomaaliya iyo Hey’ad walbo oo macluumaad Uruuriso in hawada toos ugu jirto iyada oo ammaan ah lana helikaro xilli walbo oo loo baahdo” Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Dal walbo waxa uu horumar ku gaaraa sida uu u keydsado Xogta Qarankiisa, waxaana Xaruntaan laga dhisi doonaa meel u dhow halka Internet-ka ka soo galo Dalka, waxaana guul ah in Wadankeena helaayo Xarunta Keydka Xogta oo looga maarmi-doono in Dalal kale lagu haayo xogteena.



Tags: Wasiirka Isgaarsiinta XFS Oo Kormeeray Xarunta Xogta Qaranka
Previous Post

Maamulka iyo waxgaradka degmada Baxdo oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Imaaraadka

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Imaaraadka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Imaaraadka

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka,...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In