Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xassan Aadan, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa waxaa ay yeesheen kulan miro-dhal ah oo lagu xoojinayay iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, Xoojinta iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan horumarinta kalluumeysiga iyo ilaalinta kheyraadka badda, Dardargelinta iyo fulinta heshiisyada iskaashi ee horey u dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dowladda Turkiga, Kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed, iyadoo Dowladda Turkiga ay ballan-qaadday tababaro heer sare ah oo lagu horumarinayo adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee dhinaca Kalluumeysiga, Waxbarasho heer jaamacadeed (Master’s Degree) oo Dowladda Turkiga ay si gaar ah uga taageeri doonto Wasaaradda, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh dhaqaalaha buluugga ah iyo maareynta kheyraadka Badda.

Related posts

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya uga mahadceliyey sida ay dowlad ahaan diyaar ka ugu yihiin taageerada farsamo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siinayaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka kalluun ee dalka. Waxa uu intaa ku daray “in kulanku uu ahaa mid guul leh, isla markaana muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka horumarinta kalluumeysiga oo ka mid ah tiirarka muhiimka u ah dhaqaalaha dalka”.

Dhinaciisa, Safiir Alper Aktaş ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Turkiga uga go’antahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada, waxbarashada iyo barnaamijyada kobcinta kheyraadka Badda, isagoo xusay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga labada dal.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo kordhisay saacadaha shaqada ee dekadda Muqdisho

Next Post

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Next Post
Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In