Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga oo heshiis lagalay Shirkad Shiines ah

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumeysiga oo heshiis lagalay Shirkad Shiines ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo ka duuleya dhiirgalinta maalgashiga shisheeye ee dalka ayaa is afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang kaas oo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluumeysiga dalka.

Heshiiskan oo ah isfaham laba dhinac leh islamarkaana waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maalgalin xoogan ku sameyso wax soosaarka kalluunka Tuunaha kaasoo ah kalluun xilliyeed guur guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya iyo in Maraakiibta shirkadda la siiyo ruqsado kalluumeysi iyadaoo loo marayo habraacyada sharci ee kalluumeysiga dalka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026

Munaasabadda saxiixa Xaflada heshiiska oo ay goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding(group) co.ltd ka soo qeybgaleen ayaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysigu faah faahin ka bixiyey muhiimada uu dalkeena u leeyahay iskaashiga noocan oo kale ah isagoo sheegay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.

Wasiirka ayaa ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah isagoo dhambaal diginin ah u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada aan sharciga ahayn ku soo galaan biyaha dalkeena gaar ahaan maraakiib jiriif ah oo waxyeelo wayn u geysta degaan badeedka iyo xeebaha dalkeena.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo ka qeyb-galay kulan muhiim ah

Next Post

Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan oo soo bandhigay maandooriyeyaal ay qabteen 

Next Post
Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan oo soo bandhigay maandooriyeyaal ay qabteen 

Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan oo soo bandhigay maandooriyeyaal ay qabteen 

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la-qaatay odayaasha dhaqanka kuwaas oo uu kala kulmay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In