Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadbad Badda Xukuumada Soomaaliya Maxamuud Colow Barrow oo booqasho ku jooga Wadanka Indosia ayaa dhigiisa Indosia kula yeeshay magalada caasimada u ah Indosia ee Jakaarta wasiirka Kalluumaysiga wadankaasi waxaayna ka wada hadleen sida dowladda Indosia gacan u siin laheyd Soomaaliya gaar ahaan arrimaha khuseeya Kalluumeysiga, maadaama Soomaaliya ay u baahan tahay caawimaad dhanka Kheyraadka badaha Soomaaliya iyi ilaalintooda xilli Kheyraadka badda Soomaaliya boob bahsan ay ku hayaan Maraakiib shisheeye oo si sharci daro ah uga Kalluumeysta Badaha Soomaaliya.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Bada ayaa sheegay in haweenayda Wasiirka ka ah Wasarada Kalluumeysiga dalkasi in ay dowladeeda Wasaarada Kalluumeysiga Soomaaliya ay ka gacan siin doonto dagaalanka marakiibta sida sharci daradda ah uga jilabanaysa Xeebaha Soomaaliya iyo in ay tababaro siinayso shaqalaha Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya.
Mudane Maxamuud Colow Barrow ayaa sidoo kale waxaa uu magalada jakarta kulan kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka dalka Indosia Dr Osman Sabta, waxayna labada mas’uul ka wada hadleen sidii xiriir u yeelan la haayeen labada Barlamaan Soomaaliya iyo Indosia gaar ahaan in guddiyada labada Barlamaan ay Aqoon isweydaarsi isu dhaafsan lahaayeen.
Gudoomiye ku xigeenka Baralaamka Indosia ayaa Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya u balan qaaday in dowladda Indosia ay ka go’an in ay caawiso Soomaaliya horaanta sanadka soo socoda uu iman doono Soomaaliya wafdi ka socodo dalka Indosia.