Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka kalluumeysiga oo la kulmay howlwadeenada Wasaaradda “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka kalluumeysiga oo la kulmay howlwadeenada Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan looga hadlayey dar-dargelinta howlaha qorshe ee Wasaaradda la qaatay Maamulka iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Mudane Maxamed Cumar Caymooy Wasiirka Kalluumeysiga ayaa u jeedka kulanka uu la qaatay Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda uu yahay sidii loo xoojin lahaa howlaha horyaalla Wasaaradda iyo sidii shaqaalaha loogu dhiiri gelin lahaa gudashada waajibaadka loo igmaday.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiirku waxa uu warbixin ka dhageystay Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda oo ka hadlay caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo, iyagoo Wasiirka ka codsaday in uu arrimahaasi wax ka qabto.

Wasiirka Kalluumeysiga oo ugu dambeyntii hadal ka jeediyay kulanka ayaa maamulka iyo howlwadeenada Wasaaradda ku booriyay inay u istaagaan sidii loo dar dargelin lahaa howlaha loo igmaday, waxaana uu intaa ku daray in kulankan uu dabo socda kulan horey uu ula qaatay Agaasimeyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda.

“Waxyaabaha aan uga hadalnay kulankeena waxaa ugu weyneyd in la xoojiyo wax soo saarka kalluunka, si loo dhiiri geliyo dhalinta ka kalluumeysata xeebaha dalka” ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga.

DSC07329

DSC07330

DSC07333

DSC07335

DSC07336

DSC07340

DSC07342

DSC07345
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Gabdho suxufiyiin ah oo tababar loo furay “SAWIRRO”

Next Post

Xuska Maalinta Haweenka Adduunka oo laga shiray

Next Post
Xuska Maalinta Haweenka Adduunka oo laga shiray

Xuska Maalinta Haweenka Adduunka oo laga shiray

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In