Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka kalluumeysiga XFS Oo Ku Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socday EUCAP

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka kalluumeysiga XFS Oo Ku Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socday EUCAP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aaden oo ay wehliyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cali Ifiye Cali iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda mudane Maxamed Bashiir Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafti ka socda howlgalka Midowga yurub ee EUCAP.

Waftiga waxaa hoggaaminayey Christopher Reynolds oo ah madaxa howgalka ee Soomaaliya isaga oo ka warbixiyey shaqada ay qabtaan ee ku saabsan kordhinta xirfadaha iyo tababarrada ee la xiriira ilaalinta xeebaha, kalluumeyiga iyo habka jallaabashada casriga ah.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Christopher, ayaa sidoo kale Wasaaradda u sharaxay sida ugu habboon oo ay isku kaashan karaan, iyaga oo kaa faa’iideysanaya waaya-aragnimadooda ku saabsan waaxda kalluumeysiga iyo ilaalinta Badda, Waxaana uu sheegay in diyaar u yihiin sidii ay Wasaaradda uga taageeri lahaayeen sidii ay u hagaajin lahaayeen hababka casriga ah ee maamulka kalluumeysiga, kuwaas oo kaalin ka qaadan kara suuqgeygta caalamiga ah ee kalluunka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka BADDA Mudane Axmed Xasan Aaden, ayaa Waftiga EUCAP uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta Wasaaradda, isaga oo xusay in ay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha muhiim ka ah ee ay u hayaan dalka, gaar ahaan dhinacayda kordhinta xirfadaha kalluumeysiga iyo ilaalinta xeebaha.

Wasiirka,ayaa sheegay in doonayaan in ay kala shaqeeyaan sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada kuwaas 75 boqolkiiba ka ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana u intaa ku daray in sidoo kale doonayaan in kala shaqeeyaan wasaaradda farsamooyin ka muhiim ka ah ee ku saabsan ka gaashaamashada kalluumeysiga sharci darada ah oo ay dowlaha shisheeye ka sameeyaan Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda, la taliyaha gaarka ah ee Wasiirka iyo xubno kale oo qeyb ka ahaa waftiga ka socday howlgalka EUCAP.




Previous Post

Tababar Ku Saabsan Maareeynta Biyaha Oo Laga Daah-furay Muqdisho “SAWIRRO “

Next Post

Cali Xuseen Oo Isku Soo Dhiibay Ciidan Xoogga Dalka Qeybta 60aad 

Next Post
Cali Xuseen Oo Isku Soo Dhiibay Ciidan Xoogga Dalka Qeybta 60aad 

Cali Xuseen Oo Isku Soo Dhiibay Ciidan Xoogga Dalka Qeybta 60aad 

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In