Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo furay shir xog waraysi ah oo ay ka qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo furay shir xog waraysi ah oo ay ka qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeeti” ayaa maanta Muqdisho ka furay shir balaaran oo Wasiirada Maaliyadaha ee Dowlad Goboleedyada dalka lagu marti qaaday, kaas looga arinsanayey sidii loo wada shaqayn lahaa, laysuna dhaafsan lahaa xogaha ku aadan arrimaha maaliyadda dalka.

Wasiir Fageeti oo furitaankii shirka khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in kulankaan kii ka horeeyey uu ka dhacay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, shirkaan maantana uu yahay mid is xog waraysi ah.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa wasiirada Maamul Goboleedyada oo soo ajiibay martiqaadka Dowladda, ujeedaduna ay tahay in aan muujino waajibka inaga wada saaran shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inta uu soconayo shirkan laga doodi doono qaabka ugu haboon ee loo wanaajin karo hanaanka maaliyadda dalka, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudne Fargeeti uu tilmaamay inuu rajo weyn ka qabo inay shirka ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah.

“Maanta waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay, una soo dhaweynyaa kulankaan oo aan filayo waxbadan inaan uga doodi doono ayna ka soo bixi doonaan go,aanno wax ku ool ah. Ka Dowlad ahaan waxaa mar walba naga go,an inaan gacan ka geysano horumarka bulshada Soomaaliyeed” ayuu markale yiri Wasiirku.

Wasiiradda ka socday maamul goboleedyadda ayaa dhamaantood soo dhaweeyey shirkaan, kuna tilmaamay inuu wax weyn ka tari doono sidii laysaga kaashan lahaa dajinta miisaaniyadaha, isku xirka canshuuraha dalka iyo ka fa’iidaysiga mashruuca Maamulka Maareynta Maaliyadda (PFM) oo hada ka hirgalay gobolada qaar, iyo sidii loo gaarsiin lahaa goboladda dhiman.

DSC02392 DSC02398 DSC02399 DSC02402 DSC02404 DSC02410 DSC02412 DSC02417

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay shir looga hadlayo hiigsiga 2016-ka iyo arrimo kale

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Caabudwaaq "SAWIRRO"

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In