Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo maanta soo xiray aqoon is weydaarsi u socday shaqaalaha canshuuraha barriga+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo maanta soo xiray aqoon is weydaarsi u socday shaqaalaha canshuuraha barriga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Farkeeti ayaa maanta soo xiray aqoon is weydaarsi u socday laba todobaad Ciidamadda Ilaalada Canshuuraha iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee ka howlgala canshuuraha barriga.

Aqoon is weydaarsigaan  ayaa u jeedkiisu ahaa in lagu barto isla shaqynta ka dhaxaysa qaybaha kala down ee ku howlan aruurinta canshuuraha , taas oo laf dhabar u ah kor qaadida dakhliga dalka,.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Ugu horayntii Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Gen. Cabdullahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay isla shaqaynta Ciidanka Booliska iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaadda.

“Waxaa sharaf noo ah in maanta na horfadhiyaan Taliyaha Ciidanka Boolika Soomaaliyeed iyo Wasiirkii Maaliyadda, waana arin nagu cusub in maanta aan u fadhino mudo badan oo dalku ku jiray bur bur sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Cidanka Ilaalada Canshuuraha (Turuba-Taariyo). Waa inaad si wada jir ah u ilaalisaan hantida dadweynaha, waxaana ogaataan dalka waxaa horay u dhisay canshuur, hadana waa in aan soo noolaynaa kaabyaasha dhaqaalaha dalka” ayuu yiri General Bariise

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Genereal Maxamed Sheikh Xaamud ayaa sheegay in ay maanta farxad u tahay ka soo qayb galka soo xirtaanka aqoon isweydaarsigaan madaama aan bari u dabaal dagayno 72 guuradii  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

“Maanta waxaan soo xaadiray mid ka mid ah wax qabadka ciidanka looga baahan yahay iney u qabtaan bulshadooda, meeshii aan shalay joognayna maanta ma joogno, dalka isbadalo badan oo dhan kasta ah ayaa ka socda, hadii aan canshuurta la soo aruurina suurta gal ma noqonayso in nabada aan sugno, ama dalkaan uu horumar ku talaabsado, duruufaha amni owgeed ciidanka waan isku badali jirnay, lakiin hada ciidanka ilaalada canshuraha waxaan u daynaynaa la shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda,” ayuu yiri Gen, Xaamud.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Farkeeti ayaa sheegay in aqoon kororsigaan uu yahay bilow, hada kadibna la joogtayn doono, madaama ay tahay waxa ugu  muhiimsan ee canshuurta lagu qaadi karo sharciga, waa in la barta sharciga canshuurta lagu qaado.

“Khamiistii la soo dhaafay waxaa golaha Wasiiradda la mariyey Tariifadii, waxaana loo gudbin doonaa golaha Barlamaanka si ay u sharciyeeyaan, Canshuurtu waa udub dhexaadka dakhliga dowladu ugu adeegto shacabkeeda, waxaana maanta sumcad daro noo ah in la yiraahdo mushaarkii ciidankaa la waayey. Hada wixii ka danbeeya wasaaradu waxay isugu  gaynaysaa dadaalkeeda sidii kor loogu qaadi aruurinta canshuuraha barriga, waxaana meesha ka saaraynaa nidaamkaan lacagta lagu qaadayo ee gacan dhiibka, waxaana ku guda jirnaa diyaarinta nidaam casri ah oo lagu aruuriyo canshuuraha bariga,

Ugu danbayntii Wasiir Fargeeti ayaa sheegy inuu si gaar ah ugu mahadcelinayo Taliaha Ciidanka Booliska sida wanaagsan ee ula shaqeeyo Wasaaradda Maaliyada, wuxuu sidoo kale sheegay inuu u hamablyeeynayo Taliska Ciidnka Booliska Soomaaliyeed oo bari ay ku began tahay 72 guuradii ka soo wareegtay asaaskii Ciidanka Booliska.

8cebffac-eed2-4b38-88c8-b960d4374014 9f9ea54e-0f16-4b8b-b302-39cfcc9f426d 43d36ddf-aafd-422d-9880-86aeda03eaf4 58e1900e-99bd-485e-bc5e-4690be4f510d 64f55ec1-ec55-4119-9390-fd4ccb79e370 566ce442-572d-4384-8c22-bc695bd2be77 d5644711-6a9b-4b0e-814e-7f431a8d086c dad0cf54-f766-4bdc-a43a-9f4f4801a6ff f7b89657-58c7-43f2-b6da-4f9e5bd1b200

Previous Post

Fursad shaqo oo ka banaan Wasaaradda Amniga gudaha

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In