Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay inuu gabagabo marayo Tirakoob ay ku sameynayaan hantida guud ee Dowladda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo sheegay inuu gabagabo marayo Tirakoob ay ku sameynayaan hantida guud ee Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir saxaafadeed uu Muqdisho uga qabtay Warbaahinta Wasiirka Maaaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr abdiraxman Ducaale Beyle ayuu kaga hadlay tirakoobka Hantida ummadda, Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada hadalka deyn cafinta iyo Muhiimada ay leedahay isku tashiga Umadda.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiirka ayaa ugu horeyn dul istaagay Warbixinta ugu dambeysay ee Hey’adda lacagta aduunka ka soo saartay Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee ka gudbida Wajiga Sedexaad ee Barnaamijka.

β€œWaxaan maanta ummaddaΒ  Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba la wadaagay faah faahinta warqadii ugadambeysay ee ka soo baxday β€˜IMF’   International Monetary Fund, anigoo hore idiinkugu sheegay 9kii bishaan in ay soo bixidoonto Warbixintaan oo ka koobneyd Amaan iyo Bogaadin tilmaameysay horumarka Maaliyadeed ee Dalka ee aan gaarnay”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday tirakoob ay Wasaaradda ku hayso hantida ummadda waxaana uu sheegay inuu gabagabo marayo.

Wasiir Beyle ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fakaraan amaanka hantidooda waxaana uu tilmaamay in halka ugu wanaagsan ay tahay in waddanka kooda ku malgashadaan si ay ugu badbaado bulshadana uga faa’iido.

β€œDhanka kale waxaan Dadka Soomaaliyeed u sheegay in baahi weyn loo qabo in ay Maalgalin ku sameeyaan Dalkeena Soomaaliya oo ay Muruqooda, Maskaxdooda iyo Maalkoodaba u huraan, sidoo kale waxaan Baaq iyo dhiiri galin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool in ay hantidooda ilaashadaan oo meel amaan ah ku hubsadaan”.ayuu yiri Wasiirka.

In badan oo ka mid dadka wax heysta ee Soomaaliyeed ayaa ganacsiyo ka sameeyay dalal badan oo dunida ah gaar ahaan qaaradaan Afrika waxaana ay la kulmaan dhibaatooyin joogtaΒ  oo isugu jira dil, dhac iyo boob waxaase la isweydinayaa waqtigaan oo dalkoodu soo kabanayo maxaa ka hortaaganΒ  inay ku ku soo noqdaan waddankooda ooΒ  maalgalinta uga baahi badan, hantidooda ugu amaan badan dalalka ay ganacsiyada ka sameeyeen.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Safar Shaqo ugu Baxay dalka Turkiga

Next Post

Golaha Ammaanka oo Bogaadiyay korarka dakhliga Dowladda Soomaaliya

Next Post
Golaha Ammaanka oo Bogaadiyay korarka dakhliga Dowladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka oo Bogaadiyay korarka dakhliga Dowladda Soomaaliya

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In