Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista miisaaniyada 2015

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista miisaaniyada 2015
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaaliya mudane Maxamed Aaden “Farkeeti” ayaa si diiran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista lagu sameeyey miisaaniyadda, 2015, isagoo ku tilmaamay iney tahay talaabo looga hortagayo isu dheeli tir la’aanta dakhliga dowladda iyo kharashaadka baxaya kaddib markii uu gaabis ku yimid qoondadii ay ku kabi lahaayeen deeq bixiyayaasha caalamka ee miisaaniyadii la ansixiyey sanadkaan bilowgiisa,.

Wasaaradda ayaa bishii hore u gudbisay soo jeedin wax looga badalayo Miisaaniyadda golaha Wasiirada, waxaan goluhu si aqlabiyad ah isugu raacay in dib u eegis lagu sameeyo kharaashaadka dowladda,

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Wasiirka maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim “Fergeeti”  ayaa  tilmamay in  dib u eegista miisaniyadda lagu sameeyay ay ku salaysan tahay inta badan talooyinkii ay soo jeediyeen Xildhibaanada Baarlamanka iyo waafajinta kharashaadka ku baxa hay’adaha dowladda.

“Miisaaniyadda qaar waa jarid, qaarna waa dib u habayn, waxaana sababay dib u geeistaan in dowladda aysan soo gaarin qoonadadii laga sugayey deeq bixiyayaasha oo ahayd 49%. Waa xaqiiq inuu kor u kacay dakhliga dowladda, balse taa macnaheedu ma’ahan inuu dabooli karo dhamaan baahiyaha jira” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Xoghayaha Guddiga maaliyadda ee Barlamaanka oo kulanka  golaha shacabka ka hadlay ayaa sharaxay  dib u eegista lagu sameeyay miisaniyadda dalka  iyo inta laga dhimay misaaniyaaddi hore. Isagoo sheegay in dhimista lagu sameeyey miisaniyadda aysan saamayn doonin  musharaadka ciidanka iyo shaqaalaha  rayidka dowladda.

Kulan ay mudanayaasha Baarlamanku ku ansixiyeen dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, ayaa socday muddo ku dhow sadex todobaad, waxaana Wasaaraddu qaadatay dhamaan talooyinkii wax ka badalka ahaa ee ay soo jeediyeen Xilidhibaanada Barlamaanka

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha: “Waa inaan ku dhiirannaa u hiilinta sharciga iyo cadaaladda” SAWIRRO

Next Post
Madaxweynaha: “Waa inaan ku dhiirannaa u hiilinta sharciga iyo cadaaladda” SAWIRRO

Madaxweynaha: “Waa inaan ku dhiirannaa u hiilinta sharciga iyo cadaaladda” SAWIRRO

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In