Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirkii looga tashanayey nidaamka maaliyadda dalka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirkii looga tashanayey nidaamka maaliyadda dalka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 02, Nov, 2015…Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeeti” ayaa maanta Muqdisho ku soo xiray shir balaaran oo mudo sadex maalmood ah u socday Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiiradda Maamul Goboleedyada dalka, waxaan shirka laga soo saaray war murtiyeed ka koobaan sagaal qodobo wax ku ool ah oo ku aadan dhinaca maamulka maaliyadda Dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay xiritaankii shirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay howsha wacan ee ay sida wada jirka ah u qabteen gudigii Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Wasiiradda ka socday maamul goboleedyada.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

‘’Waxaa manta farxad weyn ii ah inaan soo gabagabeyno shirkii inoo socday mudadii sadexda maalmood aheyd ee lasoo dhaafay, waxaan iska xog wareysanay kana doodnay xaalada guud ee nidaamka maaliyadda dalka, waxaa kale oo farxad ii ah in shirkaan ay ka soo baxeen qodobo dan u ah shacabka Soomaaliyeed oo mar kasta dowladu u taagan tahay sidii horumar loo gaarsiin lahaa” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Wasiirka Maaliyada XFS Maxamed Aadan Ibraahim ayaa tilmaamay in shirkaan uu ahaa mid isku soo dhaweeyay Dowladda iyo Maamulada Dalka kajira, isagoona ku boorriyay dhinacyada shirka inay iska xilsaaraan dhaqan galinta qodobadii shirka ka soo baxay.

Sidoo kale Wasiir Fargeeti ayaa sheegay in shirarka noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan laguna qaban doono casimadaha maamul goboleedyada dalka, si shacabiga Soomaaliyeed loo gaarsiiyo hanaanka Dowladnimo iyo hormar.

Dhanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare ayaa kulan isbarasho iyo dar daaran ah kula qaatay xafiiskiisa Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirada ka socday maamulada goboladda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyey maamulada goboladu iney xoojiyaan wada shaqaynta kala dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo qaybaha kala duwan ee Dowladda.

Ugu danbayntii, shirk ayaa waxaa laga soo saaray Sagaal qodob oo kala ah:

1. In Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Somaaliya ay Maamul Goboleedyada Gacan ka siiso sidii loo hormarinlahaa tayada Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyadda ee Maamulada dalka

2. In Dowladda Federaalka iyo Maamuladda ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad ah iyadoo ay hormuud ka noqoneyso Wasaaradda Maaliyadda DFS.

3. In lamideeyo canshuuraha iyo Tariifooyinka dalka, lana abuuro guddi heer Qaran ah oo ka shaqeeya arimahaan.

4. In labaahiyo maamul wanaagga, isla markaana sisiman loo gaarsiiyo dhamaan barnaamishka maareynta Maaliyadda Maamul Goboleedyada.

5. In la dhaqan galiyo adeegsisiga qaabab Maaliyadeed casri ah oo isku mid ah.

6. In kulankaan kiisa xiga ay go’aamiso Wasaaradda Maaliyadda DFS Halka uu ka dhacaya.

7. In si cadaalad ah loo qeybsado deeqaha laga helo deeq bixiyayaasha.

8. In la is waafajo shaqada iyo hanti-dhowrnimada.

9. In siyaasad loo dhanyahay laga yeesho lacagta shilin Soomaaliga ah oo sii dabar go’asa.

dd hh kk ll ln oo pp unnamed

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Gaalkacyo “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Gaalkacyo “Sawirro”

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Gaalkacyo "Sawirro"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In