Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirkii looga tashanayey nidaamka maaliyadda dalka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirkii looga tashanayey nidaamka maaliyadda dalka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 02, Nov, 2015…Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeeti” ayaa maanta Muqdisho ku soo xiray shir balaaran oo mudo sadex maalmood ah u socday Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiiradda Maamul Goboleedyada dalka, waxaan shirka laga soo saaray war murtiyeed ka koobaan sagaal qodobo wax ku ool ah oo ku aadan dhinaca maamulka maaliyadda Dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay xiritaankii shirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay howsha wacan ee ay sida wada jirka ah u qabteen gudigii Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Wasiiradda ka socday maamul goboleedyada.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

‘’Waxaa manta farxad weyn ii ah inaan soo gabagabeyno shirkii inoo socday mudadii sadexda maalmood aheyd ee lasoo dhaafay, waxaan iska xog wareysanay kana doodnay xaalada guud ee nidaamka maaliyadda dalka, waxaa kale oo farxad ii ah in shirkaan ay ka soo baxeen qodobo dan u ah shacabka Soomaaliyeed oo mar kasta dowladu u taagan tahay sidii horumar loo gaarsiin lahaa” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Wasiirka Maaliyada XFS Maxamed Aadan Ibraahim ayaa tilmaamay in shirkaan uu ahaa mid isku soo dhaweeyay Dowladda iyo Maamulada Dalka kajira, isagoona ku boorriyay dhinacyada shirka inay iska xilsaaraan dhaqan galinta qodobadii shirka ka soo baxay.

Sidoo kale Wasiir Fargeeti ayaa sheegay in shirarka noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan laguna qaban doono casimadaha maamul goboleedyada dalka, si shacabiga Soomaaliyeed loo gaarsiiyo hanaanka Dowladnimo iyo hormar.

Dhanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare ayaa kulan isbarasho iyo dar daaran ah kula qaatay xafiiskiisa Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirada ka socday maamulada goboladda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyey maamulada goboladu iney xoojiyaan wada shaqaynta kala dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo qaybaha kala duwan ee Dowladda.

Ugu danbayntii, shirk ayaa waxaa laga soo saaray Sagaal qodob oo kala ah:

1. In Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Somaaliya ay Maamul Goboleedyada Gacan ka siiso sidii loo hormarinlahaa tayada Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyadda ee Maamulada dalka

2. In Dowladda Federaalka iyo Maamuladda ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad ah iyadoo ay hormuud ka noqoneyso Wasaaradda Maaliyadda DFS.

3. In lamideeyo canshuuraha iyo Tariifooyinka dalka, lana abuuro guddi heer Qaran ah oo ka shaqeeya arimahaan.

4. In labaahiyo maamul wanaagga, isla markaana sisiman loo gaarsiiyo dhamaan barnaamishka maareynta Maaliyadda Maamul Goboleedyada.

5. In la dhaqan galiyo adeegsisiga qaabab Maaliyadeed casri ah oo isku mid ah.

6. In kulankaan kiisa xiga ay go’aamiso Wasaaradda Maaliyadda DFS Halka uu ka dhacaya.

7. In si cadaalad ah loo qeybsado deeqaha laga helo deeq bixiyayaasha.

8. In la is waafajo shaqada iyo hanti-dhowrnimada.

9. In siyaasad loo dhanyahay laga yeesho lacagta shilin Soomaaliga ah oo sii dabar go’asa.

dd hh kk ll ln oo pp unnamed

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Gaalkacyo “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Gaalkacyo “Sawirro”

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Gaalkacyo "Sawirro"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In