Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyey shir looga hadlayay dhaqaalaha Dalka iyo mideynta canshuuraha guud, waxaana goob joog ahaa kulanka Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Maaliyada Dowlad gobaleedyada Dalka ka jira iyo Masuuliyiin kale.
Gaba gabada kulanka ayaa hadalo kooban waxaa ka jeediyay Wasiirada Maaliyadda Dowlad gobaleedyada, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay leedahay isku xirnaanta Maamulada iyo Dowlada dhexe ee dhanka dhaqaalaha iyo in la wadaago kheyraadka guud ee Dalka iyo deeqaha Dibadda ay ka hesho Dowladda Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale beyle, isagoo sheegay in qodobo dhowr ah laga soo saaray kulankii ay ku yeesheen Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxaana uu xusay in heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkan kiisa xiga lagu balamay in lagu qabto magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.