Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa si weyn u soo dhaweeyey asxinta sharciga Iibka Qaranka (Procurement)

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa si weyn u soo dhaweeyey asxinta sharciga Iibka Qaranka (Procurement)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aden Ibrahim Farkeeti ay soo dhaweeyey ansixinta Sharciga Iibka Qaranka (procurement Bill) oo golaha Barlamanku anxisyeen sabtidii la soo dhaafay, wuxuuna wasiirku ku tilmaamay talaabo horumar u keenaysa daafurnaa iyo taaba galinta sharciyada asaaska u ah dalka.
“Ansixinta Sharciga Iibka Qaranka waxaan sugaynay mudo dheer, waana qayb ka mid ah guulaha la gaaray sanadkaan. Sharcigaan isagoo aan goluhu ansixin kuna jira akhrintii kowaad iyo kii labaad ayaan bilownay ku dhaqankiisa qaybo kamid ah, waxaa xusid mudan in qandaraasyada la bixiyey sanadkaan ay dhamaantood mareen (Procurement) taas oo muujinaysa in la gaaray xiligii aan ku dhaqmi lahayn cadaaladda dhanka qandarsayada. Qandaraasyadaas aan bixinay qaarkood waxaa ku guulaystay iyadoo cidna aysan riixayn ama aysan taageero u fidinaynin shirkado shisheeye oo ku soo baxay aqoontooda iyo khibradooda shaqo” ayuu yiri wasiir Farkeeti.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradu ay howl galisay waax gooni ah oo ka shaqaysay Iibka Qaranka, taas oo in mudo ah ay ku socotay tababarid shaqaale iyo qalabayn xafiis, waxaana gacan weyn ka gaystay khubaro ka socota Bangiga Aduunka oo kala shaqaysay Wasaaradda sidii waaxdaas u howl gali lahayd. Wasiirka ayaa sheegay in ay bilaabayaan wacyi galin ku wajan Iibka qaranka si dadka Soomaaliyeed loo baro ahmiyad uu sharcigaan dalka u leeyahay.
“Waxaa Ilaahay Mahadiis ah in manta Wasaaradu wixii qalab lagu soo gadayo, ama wax lagu dhisayo ama shaqooyin kale oo daruuri ah lagu qabanayo loo soo bandhigo shacabka, taas oo meesha ka saartay nin jeclaysigii iyo eexdii Waxaa kale oo maanta guul ah in dhamaad shirkadaha xariirka la leh Hay’adaha kala duwan ee dowaladda ay si toos ah ula macaamilaan Wasaaradda Maaliyadda marka ay timaado lacag bixinta” ayuu yir mar kale wasiir Farkeeti.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in Wasaarada oo adegsanaysa aqoonteeda shaqo iyo khubarada la shaqaysa ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dhisida waaxyaha Iibka Qaranka (procurement) ee wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, si wixii la soo gadayo iyo wixii la sii gadayo intaba ay maraan qaab ku dhisan daah furnaan iyo isla xisaabtan.
Fa’iidoyinka Sharcigaan u leeyahay dalka waxaa ka mid ah:
• Kor u qaadida dhaqaalaha, hufnaanta iibsiga iyo helitaanka qiimaha ugu wanaagsan ee dadweynaha wax looga soo gadan karo.
• Dhiirigalinta horumarinta dhaqaalaha dalka;
• Kor u qaadista sharafta, cadaaladda, la xisaabtanka iyo kalsoonida shacabka ee wax ku soo iibsiga;
• In la gaaro nidaam ay ku dheehan tahay daah furnaan, iyo go’aanada la xiriira heshiisyada iibsiga iyo lacag dhimista.
• Fur-furida iibsiga dadweynaha iyo wax soo iibsashada hay’adaha dowladda;
• Ciribtirka in cid gooni ah ay xirato qaabka wax soo iibinta iyo kor u qaadida tartan ku dhisan habka lacag dhimista iibsigu.
Sharcigaan ayaa dalka ugu danbaysay 26 sano ka hor, wuxuuna wax weyn ku soo kordhinayaa dib u dhiska dalka iyo kalsoonida deeq bixiyaasha caalamka, wuxuuna meesha ka saarayaa dhaqankii ku salaysnaa nin jeclaysiga iyo eexda marka ay timaado in wax la dhiso, waxa la soo gado ama dowladu iska iibiso wax aysan u baahnayn.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo siminaar u furay hay’ado u dooda xaquuqda Aadanaha “SAWIRRO”

Next Post

Fursad shaqo oo ka banaan Wasaaradda Amniga gudaha

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Fursad shaqo oo ka banaan Wasaaradda Amniga gudaha

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In