Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dowladda Japan la saxiixdey heshiis ay ku cafinayso lacag dhan 14-Bilyan 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
November 7, 2024
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dowladda Japan la saxiixdey heshiis ay ku cafinayso lacag dhan 14-Bilyan 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Japan ee Dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi, ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis Dowladda Japan ay ku cafinayso lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, doolar ahaan u dhiganta in ka badan Boqol Milyan oo Doolar.

Heshiiskaan uu maanta saxiixay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal waliba gaarkiisa loogala xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee 2024-ka.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Munaasibadda saxiixa oo koobneyd kadib, Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Japan ee sida deeqsinimada leh ugu dhawaaqay in ay saamexeen dhammaan deymihii ay ku lahaayeen Dowladda Soomaaliya, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tani ay dhiirigalin u tahay Dowladda Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirtan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga si loo gaaro isku filanaan dhaqaale.

Safiirka Dowladda Japan oo hadalo kooban ka jeediyay goobta saxiixa ayaa dhankiisa balan qaaday in Dowladdiisu ay sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo ku garabsiinta Mashaariicda Horumarineed oo ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.



Previous Post

Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay labo xubnoo oo khawaarijta u qaabilsanaa Sahanka

Next Post

Golaha Wasiirrada oo dhageestay warbixin ku saabsan La-dagaalanka khawaarijta 

Next Post
Golaha Wasiirrada oo dhageestay warbixin ku saabsan La-dagaalanka khawaarijta 

Golaha Wasiirrada oo dhageestay warbixin ku saabsan La-dagaalanka khawaarijta 

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In