Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka soo qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka soo qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 15, 2015…..Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibrahim “Farkeeti” ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay magaalada Lima ee wadanka Peru ay uga soo qeyb galeeen shirkii sanadlaha ahaa ee Bangiga Adduunka (World Bank) iyo Hay’adda Lacagta ee Caalamka (IMF).

Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Soomaaliya Bashiir Ciise, khubaro iyo howlwadeeno ka socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe. Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee dhaqaalaha adduunka, sidii loo yareeyn lahaa saboolnimada iyo hagaajinta siyaasadaha dhaqaale.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxay shirar gaar-gaar ah la qaateen madaxda sare ee Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta ee Caalamiga (IMF), Marayknaka, Sweden, UK, Denmark iyo Bangiga Horumarinta Islaamka.

“Waxaan shir gaar ah la qaadanay madaxa Hay’ada Lacagta Caalamka (IMF) Mrs Christine Lagarde waxayna Dowladda Soomaaliya ugu hambalyesay inay markii ugu horeysay muddo 26 sano Dowladda Soomaaliya ku guulaysato inay wax weyn ka bedesho maamulka maaliyadda iyo koboca dhaqaale dalka, iyo  sida ugu dhaqsiyaha badan in Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay iyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa shilinka Soomaaliga”ayuu yiri Wasiir Farketi.

 Sidoo kale Wasiirku wuxuu kulan la yeeshay wafdi Mareykan ah oo ay hogaaminayso Mrs Marso Lago oo ka tirsan Waaxda Lacagta. Wuxuu Wasiirku warbixin ka siiyey xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee wadanku marayo. Sidoo kale Mrs Marso ayaa dhankeeda soo dhoweysay guulaha ay dowladda Soomaaliya ku talaabsatay, waxayna xaqiijisay in Mareykanku sii kordhin doono caawinaada ay siiyaan Soomaaliya, dib u eegisna ku sameyn doonaan qaabka ugu haboon ee dowladda loo caawin lahaa.

Wafdiga ayaa dhanka kale la kulmeen Wasiirka Horumarinta wadanka Boqortooyada Ingiriiska waxayna ka wada hadleen horumarka Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhanka hogaajinta maamulka maaliyadda waxayna xaqiijiyeen in Soomaali tusaale u tahay wadamada  kale eek a soo kabsanayo dagaalada sokeeye.

Wafdiga ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay Wasiirada Horumarinta dalka Sweden Mrs Isabelle Lovin, waxayna  iska xog wareysteen iskaashiga soo jireenka ah ee labada wadan ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa isla markaana loo taageeri lahaa dadka Soomaalida ee dalka ku soo noqonaya.

Ugu dambeynaa wasiirka iyo wafdigiisa waxay kulan la qaateen madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka Mohamed Axmed Cali iyo howl wadeenada Bangiga. Wasiirka wuxuu uga warbixiyey xaalada wadanka uu marayo iyo baahida ay Soomaaliya u qabto in laga taakuleeyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha wadanka iyadoo ahmiyad la siinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhanka wax soo saarka sida: Beeraha, Kaluumaysiga iyo Xoolaha.

“Waxaan balan qaadaynaa inaan sii kordhin doono taakulaynta uu Bangiga Islaamku la garab taagan yahay walaalaheena Soomaaliyeed, waxaana laga caawinayaa dhanka tababarada iyo dib u dejinta qaxootiga dib ugu soo laabanayo dalka.” Ayuu yiri Mohamed Axmed Cali.

 

Peru 867Peru 559Peru 536Peru 559Peru 156820151011_153445

?????????????????????????????
?????????????????????????????

Peru 559Peru 1421Peru 1459Peru 1588

?????????????????????????????
?????????????????????????????

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo Cadaado gaaray-Sawirro

Next Post
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo Cadaado gaaray-Sawirro

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo Cadaado gaaray-Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In