Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo xaqìijiyay in la xaliyay caqabadihiii ay soo jeediyeen Ganacsatada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo xaqìijiyay in la xaliyay caqabadihiii ay soo jeediyeen Ganacsatada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cigge ayaa shaaciyay in la xiliyay dhammaan caqabadihiii ay soo jeediyeen Ganacsatada Soomaaliyeed, kadib shir muhiim ah oo saacado qaatay oo ay Dekadda Muqdisho ku yeesheen maanta Taliska Booliska Soomaaliyeed, kan Nabadsugidda Qaranka, maamulka Dekadda iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan ayaa sheegay in iyada oo la fulinayo ballaantii ahayd in la xaliyo tabashooyinka ay qabaan ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho in mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliyaha NISA iyo mas’uuliyiin kale inay kormeer ku tageen Dekadda Muqdisho si ay ugu kuur galaan habsami u socodka  shaqada xoogga ee ka socota Dekada Muqdisho.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Culeysyaddii ay ka cawdeen ee ay soo gudbiyeen ganacsatada Soomaaliyeed sidii loo furdaamin lahaa ayaa qeybtii koowaad maanta tahay in la dhaqangaliyo oo la suuliyo oo aan halkaan (Dekadda) u nimid”

Mudane Biixi Imaan ayaa sidoo kale sheegay in gambi ahaanba la joojiyay lacagihii laga qaadi jiray ganacsatada Soomaaliyeed ee isticmaala Gaadiiidka ay rabaan inay magaalada kala baxaan Muqdisho ganacsigooda sida lacagihii looga qaadi jiray Ex-kontoraal Afgooye iyo tan Ex-kontarool Balcad oo iyaga lacago looga qaadi jiray.

“Dowladdu wax lacag ah oo ay ka qaadi doonto ma jirto kontarooladaas oo ganacsatada doonaya inay ganacsigooda kala baxaan Muqdisho waa laga joojiyay lacagihii laga qaadi jiray” ayuu yiri Mudane Biixi Iimaan wasiirka maaliyadda ee XFS

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo guddoomiyay shirka guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda

Next Post

Taliska Ciidanka Xoogga ay qaadanayo Layli Sarakiil Cusub oo dalka dibadiisan wax lagu soo bari doono

Next Post
Taliska Ciidanka Xoogga ay qaadanayo Layli Sarakiil Cusub oo dalka dibadiisan wax lagu soo bari doono

Taliska Ciidanka Xoogga ay qaadanayo Layli Sarakiil Cusub oo dalka dibadiisan wax lagu soo bari doono

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In