Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS”Dhawaan waxaa si deg deg ah loo soo daabacaya lacag Shillin Soomaali ah”+Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS”Dhawaan waxaa si deg deg ah loo soo daabacaya lacag Shillin Soomaali ah”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo xafiiskiisa kula hadlayay warabaahinta ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda, wuxuuna shirkiisa jaraa’id uu diiradda ku saaray,qorshaha deyn cafinta,daabisita lacag cusub oo Shillin Soomaali ah,mideynta canshuuraha,isagoo sharaxay waxyaabihi ka soo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Washington ee Mareykanka,Wasiirka ayaana sheegay in shirkaasi uu guul ku soo dhamaaday,islamarkaana dhamaan wafuudii ay la kulmeen ay u riyaaqeen warbixinadii laga siiyay halka ay marayso Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan si dhaqsi ah loo soo daabacayo lacagta Shinllin Soomaaliga,taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha lagu heshiiyay.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Waxaa kaloo aan ka wada hadalnay in na loo daabaco lacagta Shillin Soomaaliga,talaabooyinka wixii nalooga baahnaa daabacada lacagtaasina waan buuxinay,waxaa kaloo la isla gartay lacagta daabacadeedi ayaa qarash badan ku baxaya,waxaa ku baxaya lacag dhan 41 Milyen oo dollar,anaga mahaynee ee halkii laga keeni lahaa ayaan dadaalkeedi kujirna”.

Magaalada Nairoobi ee xarunta Dalka Kenya ayuu sheegay in dhawaan ay kula shiridoonaan hay’adda lacagta addunka,si loo dhameystiro dadaalada ku aadan in Soomaaliya deynta laga cafiyo,taasi oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay.

“Bisha may ee soo socota todobadeeda waxaan isugu tagaynaa Nairoobi,waxaan ka wada hadlaynaa in aan so xirno wejigii hore ee tijaabooyinka ama imtixaanada deymaha nalooga cafinaayo,waxaana kamid ah horumarinta hanaanka maamul Maaliyadeed,waxaa kale oo qeyb ka ah in la mideeyo canshuuraha Dalka,maadaama aanu nahay hal dal,waxaanu rajaynaynaa in sanadka dambe ay soo dhamaadaan dadaalada deymaha nalooga cafinaayo”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyntii wuxuu soo hadal qaaday tirikoobka shaqalaaha dowladda iyo guud ahaan ciidamada marka laga eego xagga bixinta mushaharaadka,wuxuuna ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay horumarinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka.

Previous Post

Roob jaray Waddooyinka Magaalada Xudur+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Teleefoon kula hadlay Xulka 17 jirada Soomaaliya ee Galabta Ciyaaraya dhamaadka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Teleefoon kula hadlay Xulka 17 jirada Soomaaliya ee Galabta Ciyaaraya dhamaadka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika

Madaxweyne Farmaajo oo Teleefoon kula hadlay Xulka 17 jirada Soomaaliya ee Galabta Ciyaaraya dhamaadka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In