Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka magacaaban ee Arrimaha Gudaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka magacaaban ee Arrimaha Gudaha  oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarey Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, iyadoo siweyn loo soo dhaweeyey.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya, siyaasiin iyo guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dhamaan siyaasiintii iyo mas’uuliyiintii ka hadashey soo dhaweynta oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed, Prof Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale ayaa waxaa ay alle uga baryeen in uu la garab galo xilkaasi loo dhiibay, iyagoo shacabka ugu baaqey in ay la shaqeeyaan Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha.

Mudane Eng. Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka magacaaban ee arrimaha gudaha ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey, wuxuuna ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay ka caawiyaan sidii uu ugudan lahaa waajibaadka loo igmaday.

“Intaan oo dad ah markii ay ku soo hor istaagana waa xaqiijo ah ayaa jira oo ay ka filayaan, illaahay ayaan ka baryayaa in uu nagu guuleeyo, walaalyaal waan idinkaga mahadcelinayaa waqtigii cibaadada in aad igu soo dhaweysaan halkani, waxaan Alle ka baryayaa in aan haleelo waxa ay dadku iga filayaan, waxaan leeyahay qof dowlada iyo shaqsi wax maqabtaan hadii aan shacabka laga helin taageero, marka waxaan idinka codsanayaa in aad ila shaqeysaan”, ayuu yiri Wasiirka magacaban ee arrimaha gudaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shalay xilkii ka qaday Wasiirada arrimaha gudaha, dibadda iyo Ganacsiga, isagoo u magacaabay Wasiiro cusub oo uu ka mid yahay Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.

SONNA

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka kulanka Todobaadka.

Next Post

Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxii Buulo-burte

Next Post
Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxii Buulo-burte

Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxii Buulo-burte

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In