Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka magacaaban ee Arrimaha Gudaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka magacaaban ee Arrimaha Gudaha  oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarey Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, iyadoo siweyn loo soo dhaweeyey.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya, siyaasiin iyo guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Dhamaan siyaasiintii iyo mas’uuliyiintii ka hadashey soo dhaweynta oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed, Prof Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale ayaa waxaa ay alle uga baryeen in uu la garab galo xilkaasi loo dhiibay, iyagoo shacabka ugu baaqey in ay la shaqeeyaan Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha.

Mudane Eng. Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka magacaaban ee arrimaha gudaha ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey, wuxuuna ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay ka caawiyaan sidii uu ugudan lahaa waajibaadka loo igmaday.

“Intaan oo dad ah markii ay ku soo hor istaagana waa xaqiijo ah ayaa jira oo ay ka filayaan, illaahay ayaan ka baryayaa in uu nagu guuleeyo, walaalyaal waan idinkaga mahadcelinayaa waqtigii cibaadada in aad igu soo dhaweysaan halkani, waxaan Alle ka baryayaa in aan haleelo waxa ay dadku iga filayaan, waxaan leeyahay qof dowlada iyo shaqsi wax maqabtaan hadii aan shacabka laga helin taageero, marka waxaan idinka codsanayaa in aad ila shaqeysaan”, ayuu yiri Wasiirka magacaban ee arrimaha gudaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shalay xilkii ka qaday Wasiirada arrimaha gudaha, dibadda iyo Ganacsiga, isagoo u magacaabay Wasiiro cusub oo uu ka mid yahay Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.

SONNA

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka kulanka Todobaadka.

Next Post

Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxii Buulo-burte

Next Post
Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxii Buulo-burte

Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxii Buulo-burte

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In