Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee 5-ta sano

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee 5-ta sano
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee shanta sano (2024-2028), taasoo diiradda saareyso fursadaha iyo ka gudubka caqabadaha si loo gaaro yoolalka horumarineed iyo ujeedooyinka istaraatiijiyadeed iyo xoojinta hawlaha Wasaaradda ee dhinacyada horumarinta iyo isku-dubbaridka qorshaynta siyaasadda horumarinta qaranka iyo qaybaha wax ku oolka ah.

Waxaa si rasmi ah Istiraatiijiyadda u daahfuray Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, iyadoo munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ay ka soo qeybgaleen Xildhibaannno ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalk Soomaaliya, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo hawlwadeenada Wasaaradda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee shanta sano waxay hubinaysaa in Miisaaniyadda Qaranka iyo taageerada uu dalka ka helo bah-wadaagta horumarineed ay la jaan-qaadaan mudnaanta horumarinta qaranka. Qorshahan oo ah hab wajiyo badan leh ayaa mideynaya qorsheynta, isku dubbaridka, maalgashiga, iyo iskaashiga istiraatijiyadeed si loo gaaro himilada Wasaaradda ee qorsheynta iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale oo waara.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire oo faahfaahinayay Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda ayaa sheegay in Istiraatiijiyadan ay hagi doono hawlaha Wasaaradda, islamarkaana ay waafaqsantahay qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran.

Qorshahan ayaa ah mid lagu fududeynayo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, isla markaana uu hormuud u noqon karo xaqiijinta himilada Wasaaradda.








Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Suulnuug

Next Post

Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ku dilay 26 dhagar qabe

Next Post
Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ku dilay 26 dhagar qabe

Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ku dilay 26 dhagar qabe

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In