Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo ka qeybgalay shir Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku yeesheen Sweden”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo ka qeybgalay shir Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku yeesheen Sweden”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ceynta ayaa Sweden uga qeybgalay shirweyne looga doodayo arimaha xagjirnimada iyo sidii looga hortagi lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee maskaxda laga khalday.

Shir sanadeedka Ururuka isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed ee Sweden oo ay ku mideysan yihiin Jaalliyada kala duwan ayaa si rasmi uga furmay magaalada Stockholm caasimada dalka Sweden iyada oo shir saneedkan ay ku lamaaneed xaflada dabaaldega sanad guurada 20-aad ee markii ururkan la aas-aasay.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Maalinta koowaad ee shirweynaha ayaa diirada lagu saaray arimaha la xiriira xagjirnimada gaar ahaan fikradaha khaldan ee lagu marin habaabiyey bulshada ee keentay in qaar ka mid ah dhalinyaradeena ay u safraan dagaalada ka socdo qeybo ka mid ah dunida.
Furitaanka shirka lagu casuumay wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Mudane C/raxmaan Ceynta, madax ka socotay dowlada Sweden sida maamulka magaalada Stockholm, Culumaaäudiin ku xeel dheer diinta islaamka iyo khubaro cilminafsiga yaqaan.

Gudoomiyaha ururka isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed ee Sweden Mudane C/nuur Ciise oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa ku tilmaamay maalin weyn oo farxadeed mar hadii loo dabaaldegaayo sanadguurada 20-aad ee ururka, waxa uuna amaan iyo mahadcelin u diray aas-aasayaashii iyo dadkii illaa waqtigaas ku soo dadaalayey jiritaanka ururkan maadaama aysan Sweden ka jirin safaarad matasha umadda Soomaaliyeed .

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Mudane C/raxmaan Ceynta oo khudbad dheer kaga hadlay furitaanka shirka ayaa ugu horeyn ku amaanay isla markaana bogaadiyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden oo sanadkan u dabaaldegaysa sanadguurada 20-aad, ee markii la aas-aasay, waxa uuna dhinaca kale si qoto dheer kaga hadlay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ee ku leeyihiin arimaha horumarka iyo dib u dhiska .

Mudane C/raxmaan Ceynta oo ka hadlayey arimaha Xagjirmada ayaa tibaaxay in uu daraasado dhowr ah ka sameeyey sababaha keeni karo in qof nool uu ku firo heer uu naftiisa qarxiyo taas oo uu ku macneeyey laba arimood oo tan ugu weyn ay tahay faqriga iyo tan kale oo ah qofka nolosha ku guuldareysta.

Sh.C/raxmaan Sh. Muxyadiin Celi oo ku hadlayey doorka culmida ayaa ku dheeraaday sida qaldan ee loo adeegsaday macnaha jihaad iyada sida loo marin habaabiyey dhalinyarada, waxa uuna dhibaatada eedeeda dusha ka saaray Culumimada Soomaaliyeed iyo waalidka oo gudan waayey waajibaadkii saarnaa.

Sidoo kale waxaa munaasabada khudbad ka jeediyey Sheekh C/casiis Sharaf oo isna ku dheeraaday sida looga fogaan karo falalkan guracan ayna yihiin kuwo ka dambeeyo dad fikir qaldan heysta, isaga oo ku baaqay in si wada jir ah la isku kaashado.

ka qeybgalayaasha shirweynahan ayaa sidoo kale habeenkii xalay ahaa isugu yimid xaflada casho sharaf ah taas oo lagu soo bandhigay filim ka hadlayey waxqabadka iyo aas-aaskii Jaaliyada Soomaaliyeed oo uu fikirkeeda lahaa Allaha u naxariistee caalamkii weynaa Sheekh Cumar Faaruuq.

Shirweynahan ayaa sidoo kale waxaa lagu casuumay mas’uuliyiin kale oo Dowlada Soomaaliya ka tirsan sida Xildhibaan Saciid Xeyd, iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Mudane C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi.

Hotelka Shirkweynahan uu ka socdo ayaa waxaa dushiisa ka babanayey calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

DSC_0351

DSC_0369

DSC_0370

DSC_0372

DSC_0377

DSC_0381

DSC_0384

DSC_0387

DSC_0391

DSC_0395

DSC_0397

DSC_0408
W/D:C/raxmaan Xudeyfi

Previous Post

Wasiirka Amniga gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo booqday Hotel Maka Al-mukarama”SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka qeybgalay Salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari”SAWIRRO’

Next Post
Ra’iisul wasaare Cumar oo ka qeybgalay Salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari”SAWIRRO’

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka qeybgalay Salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari”SAWIRRO’

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In