Saturday, September 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo ka qeybgalay shir Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku yeesheen Sweden”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 29, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo ka qeybgalay shir Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku yeesheen Sweden”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ceynta ayaa Sweden uga qeybgalay shirweyne looga doodayo arimaha xagjirnimada iyo sidii looga hortagi lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee maskaxda laga khalday.

Shir sanadeedka Ururuka isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed ee Sweden oo ay ku mideysan yihiin Jaalliyada kala duwan ayaa si rasmi uga furmay magaalada Stockholm caasimada dalka Sweden iyada oo shir saneedkan ay ku lamaaneed xaflada dabaaldega sanad guurada 20-aad ee markii ururkan la aas-aasay.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

September 6, 2025
Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

September 6, 2025

Maalinta koowaad ee shirweynaha ayaa diirada lagu saaray arimaha la xiriira xagjirnimada gaar ahaan fikradaha khaldan ee lagu marin habaabiyey bulshada ee keentay in qaar ka mid ah dhalinyaradeena ay u safraan dagaalada ka socdo qeybo ka mid ah dunida.
Furitaanka shirka lagu casuumay wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Mudane C/raxmaan Ceynta, madax ka socotay dowlada Sweden sida maamulka magaalada Stockholm, Culumaaäudiin ku xeel dheer diinta islaamka iyo khubaro cilminafsiga yaqaan.

Gudoomiyaha ururka isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed ee Sweden Mudane C/nuur Ciise oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa ku tilmaamay maalin weyn oo farxadeed mar hadii loo dabaaldegaayo sanadguurada 20-aad ee ururka, waxa uuna amaan iyo mahadcelin u diray aas-aasayaashii iyo dadkii illaa waqtigaas ku soo dadaalayey jiritaanka ururkan maadaama aysan Sweden ka jirin safaarad matasha umadda Soomaaliyeed .

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Mudane C/raxmaan Ceynta oo khudbad dheer kaga hadlay furitaanka shirka ayaa ugu horeyn ku amaanay isla markaana bogaadiyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden oo sanadkan u dabaaldegaysa sanadguurada 20-aad, ee markii la aas-aasay, waxa uuna dhinaca kale si qoto dheer kaga hadlay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ee ku leeyihiin arimaha horumarka iyo dib u dhiska .

Mudane C/raxmaan Ceynta oo ka hadlayey arimaha Xagjirmada ayaa tibaaxay in uu daraasado dhowr ah ka sameeyey sababaha keeni karo in qof nool uu ku firo heer uu naftiisa qarxiyo taas oo uu ku macneeyey laba arimood oo tan ugu weyn ay tahay faqriga iyo tan kale oo ah qofka nolosha ku guuldareysta.

Sh.C/raxmaan Sh. Muxyadiin Celi oo ku hadlayey doorka culmida ayaa ku dheeraaday sida qaldan ee loo adeegsaday macnaha jihaad iyada sida loo marin habaabiyey dhalinyarada, waxa uuna dhibaatada eedeeda dusha ka saaray Culumimada Soomaaliyeed iyo waalidka oo gudan waayey waajibaadkii saarnaa.

Sidoo kale waxaa munaasabada khudbad ka jeediyey Sheekh C/casiis Sharaf oo isna ku dheeraaday sida looga fogaan karo falalkan guracan ayna yihiin kuwo ka dambeeyo dad fikir qaldan heysta, isaga oo ku baaqay in si wada jir ah la isku kaashado.

ka qeybgalayaasha shirweynahan ayaa sidoo kale habeenkii xalay ahaa isugu yimid xaflada casho sharaf ah taas oo lagu soo bandhigay filim ka hadlayey waxqabadka iyo aas-aaskii Jaaliyada Soomaaliyeed oo uu fikirkeeda lahaa Allaha u naxariistee caalamkii weynaa Sheekh Cumar Faaruuq.

Shirweynahan ayaa sidoo kale waxaa lagu casuumay mas’uuliyiin kale oo Dowlada Soomaaliya ka tirsan sida Xildhibaan Saciid Xeyd, iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Mudane C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi.

Hotelka Shirkweynahan uu ka socdo ayaa waxaa dushiisa ka babanayey calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

DSC_0351

DSC_0369

DSC_0370

DSC_0372

DSC_0377

DSC_0381

DSC_0384

DSC_0387

DSC_0391

DSC_0395

DSC_0397

DSC_0408
W/D:C/raxmaan Xudeyfi

Previous Post

Wasiirka Amniga gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo booqday Hotel Maka Al-mukarama”SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka qeybgalay Salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari”SAWIRRO’

Next Post
Ra’iisul wasaare Cumar oo ka qeybgalay Salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari”SAWIRRO’

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka qeybgalay Salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari”SAWIRRO’

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

September 6, 2025
0

RADI MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada...

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey...

Dowladaha Soomaaliya Sacuudiga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya Sacuudiga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah.

September 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa kulan la yeeshay Wasiir ku-xigeenka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay.

September 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay. Muqdisho, Jimco, 5 Sebteembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In