Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa kulan mira-dhal ah la yeeshay xafiisyada kala ah: Xafiiska isku duwidda deeqaha Caalamiga (Donor Aid Coordination Office) iyo Xafiiska Xogaha Deeq Biyaasha (AIMS) oo ka mid ah xafiisyada ka shaqeeya mashaariicda dalkeenna ee Wasaaradda Qorsheynta.
Sidoo kale kullanka waxaa lagu soo bandhigay howlaha horu-tebinta u leh 2023 labada xafiis. Madaxda wasaaradda ayaa go’aan saday sidii loo xoojin lahaa xogaha deeqaha iyo jiheyntooda.
Xafiiska isku duwidda deeqaha Caalamiga ayaa xoogga saaraya sannadkan 2023 sidii loo kordhin lahaa mashaariicda dalka laga fuliyo dalkeenna iyo sidii loo dardar gelin lahaa kuwa hadda socda ee hore loo bilaabay..