Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo shir caalami ah uga qeybgalay dalka Koonfur Afrika “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo shir caalami ah uga qeybgalay dalka Koonfur Afrika “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir caalami ah oo looga hadlayay kobcinta dhaqaalaha aduunka gaar ahaan qaarada afrika ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Cape Town ee wadanka Koonfur Afrika.

Shirka oo galay maalintii labaad ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dalka Koonfur afrika Jacob Zuma , wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee soomaaliya Cabdiraxman Yuusuf Cali Ceynte,wasiiro ka socday qaarada afria iyo shirkado ckaalami ah kuwaas oo daneynayay in ay maal gashadaan waddamada qaarada afrika.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Shirkada master-card oo ka mid ahayd shirkadihii goobta ka hadlay ayaa shaacisay in ay maalgashi ku sameysay wadanka soomaaliya islamarkaana ay soomaaliya tahay meel nabdoon.

wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlada soomaliya mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa warbaahinta qaranka soomaaliyeed uga warbixiyay muhiimada uu shirkani u leeyahay dalka soomaaliya,isagoo yiri

”shirkaani waxaa uu ahaa madasha horumarinta dhaqaalaha aduunka waxana uu shirkani si gaar ah xooga loogu saarayay dhaqaalaha afrika,madaxda qaarada afrikana intooda badan waa isugu yimaadeen,mowduucuna waxuu ahaa sidee dhaqaalaha afrika loo horumarin karaa,maxay yihiin caqabadaha hortaagan iyo fursadaha ay heysato afrika. waxaa kaloo joogay shirkadaha waaweyn ee aduunka oo shirka u yimid inay sahmiyaan meelaha ay maalgashiga ku sameyn doonaan,anaga waxaa naga quseeyay shirkan oo farxad noo ahaa in mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee aduunka oo loo yaqaan Master-card oo bixisa kaararka caalamiga ah oo online-ka wax looga iibsado in ay madashada kaga dhawaaqday in ay soomaaliya maalgashi ku sameysay oo ay la shirkowday banki ku yaala soomaaliya,iyadoo bankigaasi markii ugu horeysay ay bixiyaan kaarar wata astaanta master-card ka si markaasi dadka soomaaliyeed ee wax heysta ay wax ugu iibsan karaan isla markaana suuqyada aduunka xariir ula yeelan karaan,laakin waxaa taas kasii muhiimsan waxa ay tahay marki shirkad tanoo kala ah ay ku dhawaaqdo in ay soomaaliya maal gashatay ,waxaa ku dayenayaa isla markaana ay wado u furmeysaa shirkadaha kale ee halkaan u yimid in ay helaan wadan ay maal gshadaan,hadana waxa ay arki karaan in soomaaliya tahay meel aan laga baqin ayna soo gaartay xiligii maalgashi lagu samaysan kari lahaa.

Shirkan ayaa waxaa la soo gabagabeyndoonaa maalinta berri ah,waxaana laga soo saari doonaa go’aamo ku aadan sidii wadamada afrika ee mudan maal-gashiga gacan loogu siin lahaa shirkadaha daneynaya in ay tagaan.

Cabdulaahi Ibraahim Dasar,Cape Town,South Africa

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4)
Previous Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka 04 06 2015

Next Post

Ciidamada oo howlgal xalay ka sameeyay deegaanka Ceelsha Biyaha

Next Post
Ciidamada oo howlgal xalay ka sameeyay deegaanka Ceelsha Biyaha

Ciidamada oo howlgal xalay ka sameeyay deegaanka Ceelsha Biyaha

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In