Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo Muqdisho ka furay shir muhiim ah “SAWIRRO”  

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
December 6, 2021
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo Muqdisho ka furay shir muhiim ah “SAWIRRO”   
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Jamaal Macxamed Xasan ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Aqoon-isweedaarsi socon doona saddex cisho ah oo ku aadan Xalka Waara.

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kaashanayna, Hay’adda ReDSS, Urur goboleedka IGAD, iyo Baanka Adduunka (World Bank) ayaa soo qaban qaabiyey tababar looga arrinsanayo Xalka Waara iyo fulinta Istraatiijiyada Xalka Waara, iyadoo uu ahmiyad ballaaran u leeyahay hay’adaha kala duwan ee ka qeyb galayo oo ka kala socda Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada, Gobalka Banaadir, Hay’adaha Maxaliga and Caalimiga, Macadyada Cilmi barista, iyo Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Ujeeddada ugu weyn tababarkan looga gol’leeyahay waxay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka iyo hergelinta barnaamijyada Xalka Waara ee sarkaashiga Dowladda dhexe, Maamul Gobaleedyada, Gobalka Banaadir iyo Hay’adaha la sheeqeeya. Xog wanaagsan in ay ka haleen waxa uu yahay Xalka Waara iyo sidii xalkaas loogu heli lahaa bulshada ku barakacday gudaha dalka ee ay la soo gudboonaadeen duruufo nololeed oo adag, si ay ula mid noqdaan bulshada kale ee caadiga ah.

Maxamed Cumar oo ka socday Urur gobaleedka Igad iyo Agaasimaha Gobalka hay’adda ReDSS oo hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay ka garab taagan yahiin sida ay xal waara ugu gaari lahayd mushkiladaha kala duwan ee barakaca isla markaana Istaraajiyada fulinteeda iyo qorshaheeda ka taageerayaan.

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Marwo Sahra Cabdi Maxamed ayaa sheeagtay in tabbabarkan saddexda cisho ah ku kala qaadan donna xogta xalka waara si aan u xoojino shaqada culus ee na hortaalo sannadka dambe ee 2022.

“Waxaa farxad noo ah in aad na soo ajiibteen nagala soo qayb gashaan tababarkaan oo saddexda maalmood ee soo socda aan ku kala qaadan doonno xogta xalka waara iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dadka ku barakacay gudaha dalka. Muddooyinkii dambe Xafiiska Xalka Waara waxa uu ku hawlanaa hirgalinta Strategy yada qaran ee xalka waara oo ay ansixiyeen golaha wasiiradu bishii March 2020. Sanadka soo socda ee 2022 waxaan rajaynaynaa in dowladdu qaadato door hoggaamineed oo fiican arrimaha xalka waara. Haddaba, saddexda bari ee aan wada joogi doono waxaan rajaynayaa in kulankeenu noqon doono mid mira dhal ah oo aan ku kala faa’iidaysano” ayay tiri Sahro.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, ayaa hoosta ka xaqiiqay in dad tiradoodu gaarayso 2.6 million oo ku kala sugan 2,000 oo goobood ah aya jiro, marka in 30 sanno gargaar ku jiro xal mahan, howsha waxa ay ka socoto waa gobalada marka waa in xoogga saartaan fulinta Istaraajiyada qaran ee xalka waara.

“Hirgalinta strategy adda qaran ee Xalka Waara waa mid ka socota gobolada dalka, waayo waxaa gudaha dalka ku barakacay dad tiradoodu gaarayso 2.6 million oo ku kala sugan 2,000 oo goobood dhammaan dalka, kuwaas oo lambar weyn ka ah guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Hay’aduhu way na caawin karaan laakiin shaqada anaga ayaa nalaga rabaa in aan qabano. Barakaca waxa uu noqday wax la soo galo laakiin ay adag tahay in si fudud looga baxo, haddaba saraakiisha dowladda ee ka shaqaysa arrimaha xalka waara waxaa laga rabaa sidii ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen in dadka ay ka baxaan nolosha barakaca. Maadaama barakaca ay keenaan arrimo badan oo is biirsaday sida colaadaha, isbadalka cimilada iyo ayaxa. Waa in aan la nimaadno xirfaddii wax looga qaban lahaa saamaynta ka dhalata abaaraha ayadoo la ilaalinayo sharafta iyo nolosha dadka sida joogta ah uu barakacu u saameeyo”.ayuu yirii Wasiir Jamaal.

Ugu dmabeyntii waxa la filayaa in si wanaagsan ay uga faa’iideystaan saraakiisha ka kala socda dowlada dhexe, dowladd gobaleedyadda, Maamulka Gobalka Banaadir iyo cilmi barista kuwaas oo gaaraya 50 ruux.

Previous Post

Kulanka ku Saabsan Qorshaha Horumarinta Galmudug oo laga furay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Ministry of information ink MoU with the Chinese embassy in Somalia

Next Post
Wasaaradda Warfaafinta iyo safaaradaha Shiinaha oo heshiis kala saxiixday +Sawirro

Ministry of information ink MoU with the Chinese embassy in Somalia

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In