Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo qaabilay Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo qaabilay Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Agaasimaha Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Mohamed, Madaxa xariirka deeqaha ee Bahwadaagta Soomaaliya Mudane Asad Yuusuf, ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle iyo Madaxa Hay’adda NIS- Soomaaliya, kaasoo looga hadlay mashruuca yaraynta fatahaadaha deegaannada Hirshabeelle iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiir Jamaal ayaa ku wareejiyay Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle mashruuca yaraynta fatahaadaha kaas oo la doonayo in xal waara looga gaaro fatahaadaha kusoo noq-noqday magaalada Beledweyne iyo degaanada kale ee maamulkaasi.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Mushruuca ayaa ku kacaya 1.1 Milyan Dollar oo ay Dawladda Norway ugu deeqday Soomaaliya, iyada oo ay fulinayso mashruucaan hay’adda NIS Foundation isla markaana loo daadejiyay Wasaaradda qorsheynta ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa dedaallo ugu jirto sidii Xal Waara looga gaari lahaa fatahaadaha kusoo noq-noqday deegaannada Hirshabeelle.

Previous Post

Cayaartooyda Degmada C/casiis oo u gudbay wareegga Afar dhamaadka tartanka Kubadda gacanta “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga.

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga.

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In