Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta “Soomaaliya waxa ay bishan ku biireysaa Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta “Soomaaliya waxa ay bishan ku biireysaa Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa sheegay in meeel gebogabo ah uu marayo qorshaha ay Soomaaliya ugu biireyso Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Wasiirka Beene Beene oo hadal jeediyay xuska maalinta tirakoobka Afrika ayaa sheegay in safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh uu ku tagay labo maalin ka hor dalka Burundi inuu kulan horudhac la yeeshay guddoomiyaha bulshada bariga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

“Dowladda Soomaaliya  sanadkan oo dhan waxaa ay si xooggan kaga shaqeynaysay sidii aan qeyb uga noqon laheyn bah-wadaagta Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Barriga Afrika, rajadaasna aad iyo aad ayey u weyn tahay, inaan ku guuleysano ayeyna u badan tahay inaan noqono wadanka 8-aad ee ku biiira bulshada bariga Afrika” ayuu yiri Wasiirka Beene Beene.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya dadaal xoogga ay ku bixineyso inay si ballaaran kaga dhex muuqato howlaha ka socda Qaaradda Afrika taasina ay keeneyso in hey’ad walba ay qaadata kaalinteeda, iyada oo lagu xiran yahay waxyaabahaQqaarrada ka taagan.

Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo ah mid kamid ah bah-wadaagta  udub dhexaadka u ah Midowga Afrika ayaa waxaa ku mideysan illaa 7 wadan,  Soomaaliya ayaana dadaal weyn ugu jirto sidii ay uga mid noqon laheyd bulshada Barriga Afrika, kaasi oo la filayo inta aan la gaarin bisha December lagu dhawaaqo natiijada.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo balan qaaday in Dhibane Seynab uu caafimaad dibadda ah u diri doono

Next Post

Golaha Wasiirada oo caawa meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Wasiirada oo caawa meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista “SAWIRRO”

Golaha Wasiirada oo caawa meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista "SAWIRRO"

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In