Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Istaraatijiyadda Qaran ee Istaatistikada Arrimaha Bulshada oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed.
Istaraatiijiyadan ayaa loogu talagalay in lagu hago soo saarista istaatistikada arrrimaha bulshada iyo helitaanka xog, taasoo awood siineysa qorsheyn ku dhisan xog-ogaalnimo iyo horumar dhaqan-dhaqaale oo wax ku ool ah.
Haddii ay hirgasho Istaraatiijiyadan, waxa uu qof walba heli doonaa xog dhameystiran si uu u gaaro go’aamo ku dhisan xog-ogaalnimo oo horseedi kara isbeddel wanaagsan oo dhinaca arimaha bulshada ah.