Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta gaaray magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug.
Ujeeddada safarka Wasiirka ayaa daaran daah-furka shirarka wadatashiyada heer dowlad goboleed ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ), kaas oo lagu mideynayo qorshayaasha horumarineed ee heer Qaran iyo heer dowlad goboleed.
Wasiirka iyo wafdigiisu waxay sidoo kale kormeeri doonaan inta ay jogaan Galmudug mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Maamulkaan.