Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Xoghayaha joogtada ah Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, Agaasinka kala duwan iyo khubarrada Wasaaradda Qorsheynta DFS ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka,Agaasime ku xigeenka iyo la taliyeyaasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

kulanka oo muhiimad gaar ah u lahaa labada dhinac ayay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ku soo bandhigtay warbaxin ku aaddan geeddi socodka qorista Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad, kobaca dhaqaalaha dalka, xogaha, dabagalka iyo Kormeerka mashaariicda iyo howlaha baaxadda leh ee Wasaaraddu waddo xiligan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa bogaadiyay heerka ay joogto wasaaradda qorsheynta iyo howlaha baaxadda leh oo ay waddo, wuxuuna bogaadiyay hoggaaminta Wasiirka, Xoghayaha  joogtada ah ee wasaaradda iyo dhalinyarada aqoonyahannada ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Amb. Jamaal Maxamed Xasan ayaa sharraxaad ka siiyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo la taliyeyaasha madaxwaynaha maashriicda dalka ka socota, marxaladaha ay marayaan iyo howlaha adag ee wasaaraddu ka hayso dhinacaasi.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa isagana sawir guud ka bixiyay wada-tashiga wareegga koowaad ee QHQ-9aad iyo sida ay u dhaceen dhammaan wada-tashiyadii ay wasaaraddu samaysay, waxuuna la wadaagay sadaxda ahmiyadood ee ka soo baxay wareegga koowaad  ee kala ahaa Kobaca Dhaqaalaha, Siyaasada loo dhan-yahay iyo Amniga iyo sareynta Sharciga.

Masuuliyinta iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka oo si wanaagsan ula dhacay shaqada baaxadda leh  ee dalka ka socota taasoo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Qorsheynta isla markaana talooyin dhaxal gal ah la qeybsaday wasaaradda.

Gunaanadka kulanka ayaa la go’aamiyay in la sameeyo kulamo joogta ee labada dhinac si loo dar-dar galiyo shaqooyinka muhiimadda leh ee dalka ka socda kuwaasoo ay hormuud u tahay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

W/Q: Cabdirashid Nuur Ibraahim

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Garsoorka Puntland+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo Magaalada Xeraale

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo Magaalada Xeraale

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo Magaalada Xeraale

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In