Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta kulan mirodhal ah la yeeshay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.
Kulankan ayaa yimid xilli Soomaaliya ay wajaheyso xaalad abaaro sii xumaaneysa kadib roobabkii la filayay oo baaqday, kuwaas oo si toos ah u saameeyay sugnaanta cuntada, maciishadda qoysaska nugul, iyo adkeysiga bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka.
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta iyo ballaarinta gurmadka badbaadinta nolosha dadka iyo xoolaha, is-waafajinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (#NTP2025_2029) iyo Qorshaha Istiraatiijiyadda Dalka ee WFP (2026–2030) si loo xaqiijiyo isku-xirnaan istiraatiiji ah iyo wada-shaqeyn wax ku ool ah, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha qaranka iyo WFP si loo gaaro go’aanno ku saleysan xog sugan, mudnaanta qaranka, iyo natiijooyin la taaban karo.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in gurmadka degdegga ah lagu lammaaniyo xalal waara oo xoojiya adkeysiga bulshada, korna u qaada sugnaanta cuntada iyo soo kabashada dhaqaale ee qoysaska ay abaaruhu saameeyeen, halka Wasaaradda Qorsheyntuna ay sii wadi doonto doorkeeda hoggaamineed ee isku-duwidda dadaallada qaranka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah si loo hubiyo in taageerada la bixiyo ay si buuxda ula jaanqaaddo mudnaanta Qaranka iyo hiigsiga horumar waara. World Food Programme











